Goorma ayaad shaqeyn kartaa?

Magangelyo-doonka way ka shaqeyn karaan gudaha Biljimka 4 bilood kadib marka ay soo gudbiyaan codsigooda. Qaxootiga la aqoonsaday waa loo oggolyahay inay shaqeeyaan, sida muwaadiniinta Biljimka.

Waxaad tahay magangelyo-doon

Haddii CGVS/CGRA aysan weli ka gaarin go'aan codsigaaga badbaadinta caalamiga ah, waxaad kaliya shaqeyn kartaa 4 bilood kadib gudbinta codsigaaga badbaadinta caalamiga ah.

  • Markaad ka cusbooneysiiso kaarkaaga oranjiga ah degmada, wuxuu si toos ah u sheegayaa: 'Suuqa shaqada: kama xaddidna'.
  • Waxaad ku dhaqmi kartaa dhammaan xirfadaha gudaha Biljimka.

Muddo intee le'eg ayey xaq u lahaanshaha shaqada soconaysaa?

Xaq u lahaanshaha shaqada waxay soconaysaa ilaa CGVS/CGRA ay go'aan ka gaarayaan codsigaaga. Haddii aad racfaan ka qaadato go'aanka CGVS/CGRA, xaq u lahaanshahaada shaqada way soconaysaa ilaa RvV/CCE ay go'aan ka gaarto habraaca racfaankaaga .

Waxaad tahay qaxooti la aqoonsaday

Waxaad xaq aan xaddidneyn u leedahay inaad shaqeyso haddii aad heshay sharci qaxootinimo ama badbaado hoose.

Ma u baahan tahay caawimaad ama macluumaad dheeraad ah?

Miyaad qabtaa su'aal ku saabsan oggolaanshaha shaqada iyo degenaanshahaaga Biljimka?

  • Booqo ama ballan ka qabso Waaxda Arrimaha Madaniga ee degmada aad ku nooshahay.
  • Degmo ama magaalo kasta waxay leedahay shabakad u gaar ah oo laga helo macluumaad waxtar leh (lambarrada telefoonada, saacadaha shaqada).
Tusaalaha Kaarka oranjiga ah / Shahaadada Diiwaangelinta (AI)
Tusaalaha Kaarka oranjiga ah / Shahaadada Diiwaangelinta (AI)