Tababarka xirfadeed ee dadka waaweyn

Haddii aad qaadato tababar xirfadeed, waxaad baran xirfad (cusub). Tusaale ahaan, waxaad baran xirfadaha aasaasiga si aad u noqoto kaaliye kariye, fuundi ama nadiifiye.

Barashada xirfada si degdeg ah

Koorsooyinka tababarka xirfadaha ee u dhaxeeya 6 bilood illaa 1 sano waxaa laga qaataa shahaado ama diblooma si shaqo-bixiyeyaashu u ogaadaan inaad baratay xirfadaha. Guud ahaan waxaad ka dhiganaysaa gacanyaranimada shirkad muddada tababarka. Inta lagu jiro tababarka gacanyaranimada, waxaad ku baran doontaa xirfada goobta shaqada. Waxaad sidoo kale is baranaysaan shaqo-bixiyaha. Sidaa darteed, waxaa jira fursad wanaagsan oo ah in shaqo-bixiyaha ku siiyo shaqo.

Diiwaangelinta tababarka xirfadeed

Waxaad isku diiwaangelin kartaa tababarka xirfadeed laga bilaabo xilliga laguu oggolaado inaad shaqeyso:

Tani, waxaad kala xiriiri kartaa:

  • VDAB gudaha Flanders iyo Brussels koorsooyinka tababarka loogu talagalay dadka ku hadla af Holland
  • Hay'adda Bruxelles (Brussels)
  • Forem (Brussels iyo Wallonia) koorsooyinka tababarka loogu talagalay dadka ku hadla af Faransiiska

Noocyada kala duwan ee koorsooyinka tababarka

Waxaa jira noocyo kala duwan oo tababaro xirfadeed: nijaarka alwaaxa iyo dhismaha, birta, cilmiga kombiyuutarka, huteelada iyo cuntooyinka, cunto diyaarinta, gaadiidka, daryeelka caafimaadka, nadiifinta, iwm.

Kharashka tababarka

VDAB iyo Forem ayaa daboola kharashka safarka inta lagu jiro tababarka xirfadeed. Codsade magangelyada caalamiga ahaan ama qaxooti la aqoonsanyahayahaan, inta badan uma baahnid inaad bixiso kharashka koorsada.

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Ma jeclaan lahayd inaad qaadato koorsada tababarka xirfadeed?

  • Weydiiso shaqaalahaaga bulshada ama xiriiriyahaaga ku sugan VDAB, Forem ama Hay'adda Bruxelles caawimaad.
  • Magaalo kasta, waxaad ka helaysaa xafiiska VDAB, ama Forem, kaasoo ballan aad ka qabsan kartid.