Raadso shaqo

Miyaad raadineysaa shaqo? Iska diiwaangeli hay'ad shaqo.

Haddii aad rabtid inaad shaqeyso, waxaad iska diiwaangelin kartaa hay'ad shaqaaleyn. Waxay kaa caawinayaan inaad hesho shaqo u dhiganta xirfadaada. Gobol kasta wuxuu leeyahay hay'ad shaqo oo gaar ah:

Iska diiwaangelinta hay'ad shaqo

Laga bilaabo 4 bilood kadib gudbinta codsigaaga badbadinta caalamiga ah, oo haddii aadan jawaab-celin weli ka helin CGVS/CGRA, waxaad shaqo-raadsade ahaan isaga diiwaangelin kartaa hay'ad shaqaaleyn. 

Si aad isugu diiwaangeliso shaqo-raadiye ahaan hay'adahan, waxaad u baahan doontaa dukumintiyada soo socda:

Hay'ad shaqo ayaa ku caawin karta

  • Raadinta koorso tababar ama tababarka gacanyaranimo.
  • dhigo fasalada af Holland ama Faransiiska si aad u shaqeyso.
  • qor Taariikhdaada Ambaqaad, warqada dhiirogelinta ama kaa caawiya inaad u diyaargarowdo wareysiga shaqada.
  • raadso shaqooyinka banaan, kuwaas oo u dhigama khibradaada ama xiiseyntaada.

Shaqooyinka loogu talo galay dadka ku cusub Flanders
Raadi shaqooyinka waafaqsan xirfadaha luuqadda ee dadka cusub: booqo websaydka VDAB oo ku qor eraybixinta '#Werkplekvrij' ciwaanka hoostiisa 'Zoek een job'.

Bogga Raadinta VDAB

Shaqooyinka loogu talo galay dadka ku cusub Flanders
Raadi shaqooyinka waafaqsan xirfadaha luuqada ee dadka cusub: booqo websaydka VDAB oo ku qor eraybixinta '#Welcome' ciwaanka hoostiisa 'Zoek een job'.

Bogga raadinta Actiris

Shaqooyink loogu talo galay dadka ku cusub Wallonia
Raadi shaqooyinka waafaqsan xirfadaha luuqadda ee dadka cusub: booqo websaydka FOREM ama ARBEITSAMT (Bulashada ku hadashada-Jarmalka) iyo qor eray bixinta '#Dispo’ ciwaanka korkiisa 'Trouvez un emploi’.

Forem bogga raadinta