Raadinta
Qaxooti
Waxaa laguu aqoonsadaa qaxootinimo haddii aad gudbisay codsiga magangelyada caalamiga ah aadna buuxisay shuruudaha Heshiiska Geneva.
Qaxootiga la aqoonsaday wuxuu helayaa ruqsada deganaanshaha muddo ku xaddidan 5 sano. Ka dib 5 sano, waxaad heli deganaansho joogto ah, haddii aysan CGVS/CGRA kaala noqon xaaladaada inta lagu jiro muddadan.
Taageero maaliyadeed
Bixinta caawimaad iyadoo lagu deeqayo lacag. Tusaale ahaan, CPAS/OCMW waxay go'aansan karaan inay ku siiyaan mushaar haddii aadan haysan hab kugu filan oo aad ugu noolaato si ixtiraam leh.
Safaarad
Safaarad waxay waddan u matashaa waddan kale. Waxaad u aadi kartaa safaarad arrimaha maamulka ama inaad bilowdo habraacyada qaarkood. Magangelyo-doonka iyo qaxootiga ma sameyn karaan midaan.
CPAS / OCMW
Xarunta Dawladda ee Daryeelka Bulshada. Xaaladaha qaarkood, CPAS/OCMW ayaa siisa adeegyada bulshada dadka u baahan. Dawlad hoose ama magaalo kasta oo ku taala Biljimka waxay leedahay CPAS/OCMW u gaar ah oo leh adeegyo kala duwan.
Turjumaan
Qof dhegeysta qofka hadlaya oo hadal ahaan ugu fasira erayadiisa aan qof kale aan fahmeyn luqadda asalka ah.
Xeer-ilaaliyaha Guud
Waa maamulka maxkamaha Biljimka ee dembiyada soo ooga oo ka dalbada ciqaab gaar ah garsoorka.
Xafiiska socdaalka (IO/DVZ/OE)
Adeegga dadweynaha ee mas'uulka ka ah dalka, deganaanshaha, degidda iyo eryidda dadka ajnebiga ah. Waxaad ka diiwaan gelin codsigaaga magangelyada caalamiga ah Xafiiska Socdaalka.
Barakace
Qof ka soo cararay waddankiisa. Dad badan ayaa ka taga gobolkooda waxayna u guuraan gobol ku dhow.
Warqad diiwaangashan
Warqad soo-diruhu helo caddeynta in laga diray xafiiska boostada. Warqadda waxaa badanaa laga soo diraa boosto diiwaangashan haddii ay tahay warqad muhiim ah.
Ganaax
Ganaaxa waa wadar lacag ah lagaaga baahan yahay inaad bixiso haddii aad dembi gashay. Tusaale ahaan: ganaaxa xawli u wadida gaariga.
Kadib is diiwaangelintaada Codsiga magangelyada we Biljimka, waxaad ka heli karta Fedasil Xarunta-soo galootiga.
Iyadoo ku xiran tahay waddanka aad u socoto, waxaad heli doontaa kaamo dheeraad ah marka aad timaado waddankaaga.
Dadka doortay inay ku noqdaan waddankooda waxay safarkooda isku diyaariyaan iyagoo caawimaad ka helaya Fedasil.
Tasdiiqinta dibloomadayda
Magangelyo-doonka waxay heli karaan soo dhaweyn inta lagu jiro qiimeynta codsigooda magangelyada.
Gudaha Biljimka, asturnaantaada iyo nolosha qoyskaaga waa la ixtiraamaa. Mararka qaarkood kaliya, tusaale ahaan marka qof ku jiro xaalad degdeg ah, qof ayaa soo farogelin kara noloshaada gaarka ah.
Miyaa tahay canug ajaanib ah oo aan la wehlin oo miyaad codsatay magangaliyada caalamiga ah? Waxaad heleysaa warbixin wax ku ool ah ee ku saabsan hab raacaaga magangaliyada halkaan.
Haddii aadan haysan waraaqo deganaansho oo sharci ah, markaa aadan deganaasho rasmi ah ku lahayn gudaha Belgium. Aadan wax taageero ah ka helin dowladda, laguuna oggolayn inaad shaqeyso.
Haddii aad ku nooshahay Biljimka aadna haysan ruqsad sharci deganaansho ah, kuma biiri kartid nidaamka caymiska caafimaadka.