Raadinta
Shahaadada diiwaangelinta (AI) / Kaarka oranjiga ah
Shahaadada diiwaangelinta (AI) or Kaarka oranjiga ah waa shatiga deganaanshaha ku-meelgaarka ah aad hesho marka aad codsato magangelyada caalamiga ah (magangelyo-doon). Shahaadada waxay sidoo kale sheegeysaa inaad aad shaqeyn karto iyo in kale.
Waxaad ka heli kartaa AI dawladda hoose haddii aad buuxiso Lifaaqa 26-aad. Haddii aad gudbisay codsiga xiga, waxaad kaliya heli doontaa AI haddii CGVS/CGRA ku dhawaaqeen codsigaaga in la oggolaan karo.
Baasaboorka buluuga ah
Si aad ugu safartid dibbada, waxaad u baahan tahay kaarka deganaanshaha ee elektarooniga ah oo ansax ah iyo dukumeentiga safarka. Qaxooti la aqoonsaday ahaan, kama codsan kartid baasaboor safaarada wadankaaga asalka ah. Waxaad ka codsan kartaa dawladda hoose dukumeentiga safarka ee khaaska u ah qaxootiga, sidoo kale loo yaqaan 'baasaboorka buluuga ah'.
Wadamada asalka ah ee nabdoon
Biljimka wuxuu soo saaray liistada wadamada asalka ah ee nabdoon Waxaa jira habraac (dardar ah) gaar ah ay leeyihiin CGVS/CGRA iyo xafiiska socdaalka loogu talagalay dadka ka imaanayo wadamada asalka ah ee nabdoon. Wadamadan soo socda ayaa hadda loo arkaa inay yihiin wadamada asalka ah ee nabdoon: Albaniya, Bosniya, jamhuriyada Masedonia (FYROM), Kosofo, Montenegro, Serbia, Hindiya iyo Joorjiya.
.
Heshiis shaqo
Heshiis shaqo waa heshiis ka dhexeeya batrooni iyo shaqaale. Wuxuu ka kooban yahay shuruudaha shaqada, sida tirada saacadaha shaqada, mushaarka, iwm.
Waqtiyada furitaanka
Waqtiyada furitaanka waa saacadaha dukaan ama hay'ad furan tahay.
CGVS/CGRA
Xafiiska Guddoomiyaha Guud ee Qaxootiga iyo Dadka Wadanlaaweyaasha ah. CGVS/CGRA waa hay'ad federal oo madax banaan oo Biljim ah oo u qiimeysa arji kasta ee magangelyada caalamiga ah si gaar ah oo nacayb la'aan ah.
LRI / ILA / LOI
Hindisaha Soo dhaweynta ee Maxalliga. Tiro guryo ah oo ay maamulaan OCMW/CPAS ee ku yaala degmada halkaasoo dadka magangalyo-doonka ah iyo qaxootigu deggan yihiin.
Canshuuraha
qaaraan khasab ah ay muwaadiniinta iyo/ama shirkadaha siiyaan dawladda. Canshuurtu waxaa loo adeegsadaa in lagu maalgeliyo adeegyada bulshada (daryeelka caafimaadka, macaashka shaqo la'aanta, iwm.).
Macaashka shaqo la'aanta
Taageerada dhaqaale ee la siiyo qofka raadsanayo shaqo.
Shaqo mutadawacnimo
Shaqo lacag la'aan ah, sida caadiga ah loo qabto bulshada.
Haddii aadan ku tagin garashadaada, dawladda Biljimka waxay kugu qasbi kartaa inaad ku noqoto waddankaaga asalka ah.
Waxaa ka jira hal dawlad gudaha Biljimka taasoo gaarta go'aanada dalka oo dhan: dawladda fadaraalka.
Codashada ilaalinta caalamiga ah (magangelyada) Biljimka mararka qaar waa dhib badan tahay. Waxaad caawimaad weydiisan kartaa kaaliyaha bulshadaada, urur ama qareenka.
Muwaadiniinta ajaanibta ah waxay kaliya codsan karaan dhalashada Biljimka ka dib 5 sano marka ay u deganaadaan gudaha Biljimka. Waxaa jiro shuruudo badan oo loo baahan yahay in la buuxiyo.
Ilmo kasta oo jooga Biljimka wuxuu dhigan karaa dugsi, iyadoo la eegayn dhalashada ama xaalada deganaanshaha. Gudaha Biljimka, dugsigu waa ku waajib carruurta oo dhan ee da'doodu tahay 5 ilaa 18 jir.
Ixtiraamku waa qiyam aasaasi ah oo muhiim ka ah Biljimka. Waa inaad ixtiraamtaa sharciga, dadka kale, xayawaanka iyo hantida.