Raadinta
Baaritaanka da'da
Haddii Xafiiska Socdaalka ama Adeegga Hagitaanka uu shaki kaga jiro in aad ka yar tahay 18 jir iyo in kale, adeegga Hagitaanka wuxuu sameyn doonaa baaritaanka da 'da. Baaritaanka da'da waa baaritaan caafimaad oo isbitaalka ka dhacayo kaasoo dhakhtar ku go'aaminayo da'daada.
Caawimaada nolosha madaxa bannaan
Haddii da'daadu u dhaxeeyso 16 ilaa 18 sano jir, midaan waxay noqon kartaa hab aad ugu noolaato si madax bannaan. Kormeere gaar ah ayaa kaa taageeri doona qoyska, maamulka, shaqada, waxbarashada, dhaqaalaha, balse sidoo kale qiirada.
Habraaca deganaanshaha
Habraac la bilaabo si loo helo xuquuqda deganaanshaha ee Biljimka.
Ilmo yar
Qof ka yar 18 sano jir.
Dalalka Ku Bahoobay Aagga Dhaqaalaha ee Midowga Yurub
- Biljimka
- Bulgaria
- Jasiirada Qabrus
- Denmark
- Jarmalka
- Estoniya
- Finland
- Faransiiska
- Giriiga
- Hungariya
- Ireland
- Island
- Talyaaniga
- Kroashia
- Latfiya
- Liechtenstein
- Lithuania
- Luksemburg
- Jasiirada Malta
- Holland
- Norwey
- Ostraliya
- Boland
- Bortuqaal
- Romania
- Isloveeniya
- Islofaakiya
- Isbania
- Jamhuuriyadda Tashik
- Boqort
Adeegyada magangelyada
Xafiiska Socdaalka (IO/OE/DVZ), Guddoomiyaha Guud ee Qaxootiga iyo Dadka Waddanlaweyaasha (CGRS/CGRA/CGVS), Golaha Dacwad Oogida Sharciga Shisheeyaha (CALL/CCE/RvV).
Goobaha dadweynaha
Goobaha dadweynaha waa aaggaga qof walba uu isticmaali karo. Goobaha dadweynaha badankooda waa goobo furan.
Barnaamijka isdhexgalka
Haddii aad ka hesho xuquuq deganaansho Biljimka, waxaad dhigan kartaa barnaamijka isdhexgalka, ama waad ku qasban tahay mararka qaarkood. Waa koorso aad ku baranayso wax ku saabsan ku noolaanshaha, ka shaqeynta, iyo wax ka barashada gudaha Biljimka. Waxaad heleysaa macluumaad ku saabsan xuquuqdaada iyo waajibaadkaaga. Waxaad ku dhigan kartaa koorsada isdhexgalka af Holland/Faransiis ama luuqad kale.
Gaadiidka dadweynaha
Gaadiidka rakaabka ee qof walba isticmaali karo. Tani waxay ka dhigan tahay in qof walba uu isticmaali karo baska, taraamka, tareenka iyo tareeenka dhulka hoostiisa xulo, khidmad marka uu bixiyo.
Deggane
Qof ku nool xarunta qaabilaada.
Haddii aadan helin goobta soo dhaweynta kadib isdiiwaagelinta xafiiska socdaalka, waxaad iska diiwaangelin kartaa liiska sugitaanka. Inta laga gaarayo mudadas, waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka iyo gargaarka sharciga.
Xafiiska Socdaalka ayaa diiwaangeliya codsigaaga magangelyada caalamiga ah.
Miyaad raadineysaa shaqo? Iska diiwaangeli hay'ad shaqo.
Kadib is diiwaangelintaada Codsiga magangelyada we Biljimka, waxaad ka heli karta Fedasil Xarunta-soo galootiga.
Iyadoo ku xiran tahay waddanka aad u socoto, waxaad heli doontaa kaamo dheeraad ah marka aad timaado waddankaaga.
Dadka doortay inay ku noqdaan waddankooda waxay safarkooda isku diyaariyaan iyagoo caawimaad ka helaya Fedasil.
Tasdiiqinta dibloomadayda