Raadinta
Qoraalkan wuxu sharaxaya sida Fedasil u maamusho una farsameeyso xogta shaqsiyeed ee la xirirta isticmaalka webseet ka fedasilinfo.be, taas oo Fedasil ushaqeeyso masuulka xogta.
Marka aad diiwaangelinayso codsigaaga magangelyada caalamiga ah, waa inaad sheegtaa inta sano aad jirto. Haddii Xafiiska Socdaalkaama adeegga Hagitaankashaki kaaga jiro da'daada, waxaa laguu sheegi doonaa inaad marto baaritaanka da'da.
Inta lagu jiro wareysiga shakhsiga ah waxaad sharxi doontaa sababta aad uga soo tagtay wadankaagi asalka iyo sababta aadan u awoodin ama aadan u rabin inaad u laabato.
Laguu aqoonsaday qaxootinimo ama heshay magangelyada hoose aadna doonayso in qoyskaagu imaadaan Biljimka. Tani waa macquul, balse waxaa jira sharciyo badan oo adag. Weydiiso la-talin sharci ka hor inta aanad soo gudbin codsi ku saabsan dib-u-mideynta qoyska.
Laguuma oggolaan xuquuqda deganaanshaha, balse iyadoo ugu wacan tahay sabab gaar ah kuma laaban kartid waddankaaga asalka ah. Waxaad soo gudbin kartaa codsiga joogteynta bini'aadanimadda. Joogteynta waa habraac aan caadi aheyn.
