Joogteynta bini'aadanimadda

Laguuma oggolaan xuquuqda deganaanshaha, balse iyadoo ugu wacan tahay sabab gaar ah kuma laaban kartid waddankaaga asalka ah. Waxaad soo gudbin kartaa codsiga joogteynta bini'aadanimadda. Joogteynta waa habraac aan caadi aheyn.

Caddaynta duruufaha aan caadiga ahayn

Si aad u hesho joogteynta bini'aadanimadda (9bis) waa inaad muujisaa in joogida Biljimku tahay fursada kaliya oo aad haysato. Midaan waxaa sabab u noqon kara:

  • habraacaaga deganaanshaha inuu si aan caadi ahayn u dheeryahay
  • inaad tahay waddanlaawe
  • ku noqoshada waddankaaga asalka ah inay tahay jebinta xuquuqda aadanaha caalamiga ah.

Xafiiska Socdaalka wuxuu leeyahay awood madax banaan si uu u go'aamiyo cidda helaysa joogteynta bini'aadanimadda. Codsi kasta si gaar ah ayaa loo qiimeynayaa.

Shuruudaha

Si aad u codsato joogteynta bini'aadanimadda, waa inaad

Habraaca

Waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso codsigaaga joogteynta bini'aadanimadda dawladda hoose aad ka diiwaangashan tahay. Dawladda hoose ayaa u dirto codsiga Xafiiska Socdaalka kaasoo ka gaara go'aan.

Codsiga Joogteynta si dhaqso ah ayaa looga hawlgeli karaa, balse wuxuu sidoo kale qaadan karaa waqti dheer. Waqti xaadirkan, ma lihid xuquuq deganaansho iyo xuquuq shaqo. 

Kama helaysid taageero CPAS/OCMWoo uma qalantid goobta soo dhaweynta ee Fedasil. Haddii ay suurtagal tahay, waxaad heli doontaa kaalmo caafimaad oo degdeg ah.

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Weydiiso qareen la-talin sharci ka hor inta aad bilaabin habraaca joogteynta bini'aadanimadda.