Xarunta soo-galootiga

Kadib is diiwaangelintaada Codsiga magangelyada we Biljimka, waxaad ka heli karta Fedasil Xarunta-soo galootiga. 

Imaanshaha xarunta waxay ku talla 'Petit-Château' ee Brussels waxaana maamula  Fedasil, Guddiga dowladda ee Biljimka. 

Xarunta soo-galootiga, waxaad ka heli doontaa warqadd leh macluumaadka tallaabooyinka aad ku raaci doonto xarunta. Warqadda waxaa lagu heaya dhowr luuqadood. 

Xubnaha shaqaalaha Fedasil waxay ku weydiin doonaa xogaa su'aalo ah oo ku saabsan xaaladdaada. Waxaad sidoo kale heli doontaa baaritaanada caafimaadka si loo hubiyo xaaladda caafimaadkaaga. Waxaan ka qaadidoonaa sambabadaada raajo si loo arko haddii aad qabto qaaxo.

Goobta soo dhaweynta

Xarunta soo-galootiga xubnaha shaqaalaha ayaa fiirin doonaa inaad xxaq u leedahay soo dhaweynta  inta lagu jiro Qiimeynta codsigaaga ee mangelyada. Haddii ay sidaas tahay arrintu, Fedasil ayaa kaa siin  doonta soo-dhaweynta koowaad Xarunta soo-galootiga ama xarunta soo-galootiga kale. Waxaad ku joogi doontaa halkaas si ku meel gaar ah.

Inta aad joogto, waxaan kaga raadin doonaa meel kale goobta qaabilaadda ee Biljimka taas oo ku haboon xaaladaada.

Sida loo aado Xarunta soo-galootiga?

Xarunta soo-galootiga waxay ku taal bartamaha magaalada Brussels: Rue de Passchendaele 2 – 1000 Brussels.

Su'aal ku saabsan xaaladdaada Biljimka?

Bilowga Fedasil Info Pointwaxaad u imaan kartaa inaad weydiiso wax ku saabsan arrimaha sharciga, nidaamkaaga mangalyadda, shaqada, waxbarashada iyo tababarka, nidaamyadda maamulka, caawintasoo noqoshada, caafimaadka iyo kaalmada wareemka iyo qalabka taageerada.

Ma weydiin kartid goobta soo dhaweynta, tani waa inaad iska diiwaangelisa liiska sugitaanka soo dhawaynta.


Fedasil Info Point

The Fedasil Info Point waxay furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha, laga bilaabo 9 am ilaa 1 pm.
Rue Héger-Bordet 3, 1000 Brussels

T: 0800 32 746  (laga bilaabo 1 duhurnimo ilaa 4 galabnimo)