Diiwaangelinta codsigaaga

Xafiiska Socdaalka ayaa diiwaangeliya codsigaaga magangelyada caalamiga ah.

Halka laga diiwaangeliyo codsigaaga?

Haddii aad joogto dhulka Biljimka, tag xafiiska soocdaalka  (ee Brussels) oo u sheeg inaad rabto inaad ka codsato magangelyo caalami ah (Magangelyo) ee Biljimka. 

Xafiiska Socdaalka wuxuu furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha, waa inaad halkaas joogtaa 8.30 am (subaxnimo).


Cinwaanka xafiiska Socdaalka: Avenue Pacheco 44, 1000 Brussels

Diiwaangelinta: su'aalaha ku saabsan aqoonsigaaga iyo farahaaga

  • Sarkaal ka socda Xafiiska Socdaalka ayaa ku weydiin doonna su'aalo ku saabsan aqoonsigaaga: magacaaga, taariikhda iyo goobta dhalashadaada, cinwaanka lagaa heli karo iwm.
  • Sarkaal ka socda Xafiiska Socdaalka ayaa sawir iyo faro kaa qaadi doonna
  • Waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad bixiso dhammaan dukumentiyada caddaynaya aqoonsigaaga.
  • Inta lagu gudojiro diiwaangelinta, Xafiiska Socdaalka ayaa go'aan ka gaari doonna luuqadda loo isticmaali doono nidaamkaaga (Af-faransiis ama Af-holland)

Goobta soo-dhaweynta 

diiwaangelin kadib, Fedasil waxaa la hubin doonaa Xarunta soo-galootiga haddii aad xaq u leedahay qaabilaada soo-dhaweynta. Haddii aad xaq u yeelatid qaabilaada soo-dhaweynta, Fedasil waxay ku siineysaa goobta soo dhaweynta ee xarunta qaabilaada iyada oo codsigaaga magangalyada la baarayo.