Waxaad ku nooshahay xarunta qaabilaada waxaadna ubaahantahay gargaar caafimaad

Ka magangelyo-doon ahaan oo ku nool Biljimka, Waxaad xaq uleedahay daryeelka caafimaadka. Halkee aadi kartaa? Wa maxay waxa inaad fiiro gaar ah u yeelatid?

Ku so dhawoow adeegyada caafimaadka!

Hadii aad kunooshahay xarunta qaabilaada magangalyo-doonka oo aadna ubaahan tahay dhaqtar ama caafimaad, tilaabada koowaad wa inaad balan kasameysata xarunta adeegyada caafimaadka. 

Adeegyada caafimaadka marwalba waa kuu diyaar:

  • hadii aad ubaahan tahay caawi maad jiro dartiis ama shil kadib.
  • hadii aad ubaahan tahay caawi maad xaga dhaqtarka cilmi-nafsiga
  • dawagal caafimaad, tusaale hadii aad sokor qabtid ama aad uur tahay
  • si lagugu gudbiyo dhaqtarka kugudhow ama isbitaal
  • talaalkaaga iyo daawadaada
Daryeelka caafimaadka ee xarunta qaabilaada

Diiwaanka caafimaadka

adeegyada caafimaadka ayaa kuu heeyn doona diiwaankaaga caafimaad adiga. Diiwaankan caafimaadka wuxu keydin doonaa dhamaan macluumaadka ku saabsan caafimaadkaaga. Waad codsan kartaa koobiga diwaanka caafimaadkaga. Adeegyada caafimaadka ayaa sidoo kale kuu sharxi doonaa sida nidaamka daryeelka caafimaadka uga shaqeyso Biljimka.

Adeegyada caafimaadka ayaa bixin kharashadaadkaaga caafimaadka. Kharashaadka caafimaadka qaar (isbitaal iyo farmashiye), Fedasil waxey la shaqeysa dowlada hay’ada caafimaad CAAMI-HZIV.

Hadii aad heysato shaqo mushaar leh oo hoos timaada heshiiska shaqada, waxaa sidookale kusoo biiri kartaa Sanduuqa Ceymiska Caafimadka oo dookhaaga ah.

Balanta xarunta caafimaadka

xarunta caafimaadka waxa eey furan tahay keliya saacadaha shaqada. Marka hore waa inaad sameeysa balan (taariikh iyo waqti) ka hor inta aad aadin adeega caafimaadka. 

Sidookale noo sheeg hadii aad u baahan tahay turjumaan xiliga latashiga caafimaadka.

Hadii aad kasoo qeyb gali karin balantaada, waa inaad nososheegtaa sida ogu dhaqsiyaha badan ee suurta galka ah. Qaabkan, waxaan u caawin karnaa degane kale. 

Si degdeg ah ma ogu baahan tahay kaalmada caafimaadka?

Ma oga baahan tahay gargaar caafimaad oo degdeg ah meel ka baxsan adeega caafimaadka ee saacadaha furnaanta?

Shaqaalaha qaabilaada ayaa halkaas u jooga inay ku caawiyaan habeen iyo maalin. Waxay kuu gudbin doonaan dhakhtar ama isbitaal hadii lagama maarmaan tahay.

Ma waxaad ku jirta xaalad khatar ku ah nolosha? Wac lambarka gurmad degdega 112.

Latashiga adeega caafimaadka

Inta lagu guda jiro latashiga, kalkaaliyaha ayaa ku weeydiin doono suaalo waxana suuro gal ah iney kubaaraan. Wax walba oo aad ku tiraahdo la tashiga adeegyada caafimaadka waa qarsoodi. Dhaqtarka iyo kalkaaliyaha wexey leeyihiin xejinta sirta mana lawadaagaan maculumaadka fasax laantaada.

La tashiga kadib, kalkaaliyaha ayaa go'aamin doonaa qaabka ugu wanaagsan ee adiga laguu caawin karo hadii aad u baahan tahay daawo iyo haddii kale. 

Xarunta qaabilaada wexey sidookale leedahay dhaqtarka guud (GP). Dhakhtarka guud (GP) wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo, ku baaraya, oo kuu qoraaya daawo hadii lagama maarmaan tahay. Dhakhtarka guud (GP) wuxuu aqoon u leeyahay dhamaan noocyada cudurada.

Dhakhtarka guud (GP) ama kalkaaliyaha xarunta qaabilaada ayaa go'aamin karaa in laguu gudbiyo isbitaalka ama dhakhtarka takhasuska ah.

Khasab kuguma aha inaad bixiso kharashaadka booqashada adeega caafimaadka ee xarunta iyo daawada aad ubaahan tahay.