Daryeel caafimaad oo ka baxsan xarunta qaabilaada

Hadii lagama maarmaan tahay, waxaad sidoo kale heli doontaa daryeelka caafimaadka ee kabaxsan xarunta qaabilaada. Tani waxay noqon kartaa, tusaale, dhakhtarka guud (GP), dhakhtarka ilkaha, dhakhtarka jirka, dhaqtarka cilmi-nafsiga. 

Adeegyada caafimaadka ayaa balanta kuu sameeyn doonaa adiga. Waxaa sidoo kale balan la sameysan kartaa bixiyaha daryeelka caafimaadka ee kabaxsan xarunta. Waa inaad ka sameeysataa webseed ka ama app-ka onlaynka ah, waxaad sidoo kale wici kartaa bixiyaha daryeelka caafimaadka.

Mar walba ogeysii adeegyada caafimaadka hadii aad balanta aad la yeelanayso adeeg bixiyaha daryeelka caafimaadka ee ka baxsan xarunta. Adeegyada caafimaadka wuxu kusiin doonaa warqad codsi aad ku wareejiso bixiyaha daryeelka caafimaadka inta lagu gudo jiro la tashiga. Hadii aad heysatid warqada codsiga uma baahnid inaad bixisid wax lacag ah. 

Daryeelka caafimaadka ee ka baxsan xarunta qaabilaada

Hadii aad kasoo qeyb gali karin balaantaada caafimaad, wa inaad nosoo sheegtaa sida ogu dhaqsiyaha badan oo surto gal ah. Hadii aad noosoo sheegi weyso, wa inaad bixisa lacagta seegida latashiga. Iskana hubi inaad ku timaado balantaada waqtigeeda!

Balan isbitaal

Dhaqtarka ama kalkaaliyaha ayaa kuu gudbin kara isbitaal si uu kuu baaro dhaqtar khabiir ah ama isbitaal seexin.

Waxaa sidoo kale suurtogal ah ina balanta ka sameeysato isbitaalka. Mar walba u sheeg adeegyada caafimaadka ee xarunta qaabilaada marka aad balanta ka sameeysanayso isbitaalka. 

Ogeeysii isbitaalka hadii aad ubaahan tahay turjumaan waqtiga lagu guda jiro latashiga.

Maalinta aad iska diiwaan galisid isbitaalka waa inaad keenta warqada soo gudbinta dhaqtarka iyo Kaarkaga orinjiga eh ama dukumeen aqoonsi kale. 

Isbitaalka ayaa marka hore hubin doona inaad xaq uleedahay daryeelka caafimaadka ee aad ubaahan tahay ka yimaada Fedasil. Qaar ka mid ah daryeelka caafimaadka wexey ubaahan yihiin ansixinta dhaqtar ka socda Fedasil ka hor dowlada hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV dib loo bixinin kharashaadka.

Kadib ansixinta Fedasil, hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV waxay toos u siin doontaa kharashaadka caafimaadka isbitaalka. 

Booqashada isbitaalka

Qeybta degdega ah ee isbitaalka waxa kaliya laga heli karaa gargaar caafimaad oo degdeg ah.

Waxaad aadeysa oo kaliya qeybta gargaarka degdega ah.

•            Iyada oo ambalaas ah

•            Kadib soo gudbinta dhaqtarka guud (GP) 

•            Marka adiga laftaada umaleeneyso in loo baahan yahay gargaar caafimaad oo degdeg ah

Qaadashada daawada farmashiyaha

Farmashiyaha, waxaad ka qaadan kartaa daawada uu dhaqtarka kuu qoray. 

Farmashiistaha ayaa sidoo kale kuu sharxi doono isticmaalka daawada iyo suurto galnimada wax yeelada.

Marwalba qaado daawada dhaqtarka kuu qoray iyo Kaarkaaga orenjiga ah ama dokumeenti kale oo aqoonsi ah marki aad farmashiyaha aadeysid. 

Farmashiistaha ayaa marka hore hubin doono inaad xaq uleedahay baahida daryeelka caafimaad ee kayimaada Fedasil. Qaar kamid ah daryeelka caafimaadka wexey ubaahan yihin ansixinta dhaqtar kasocda Fedasil kahor dowlada hay’ada caafimaadka CAAMI-HZIV dib loo bixinin kharashaadka. Kadib ansixinta Fedasil, haya'da caafimaadka CAAMI-HZIV waxay si toos ah u siin doontaa lacagta daawada farmashiga. 

Waxaad sidoo kale kasoo iibsan kartaa daawada farmashiye aan ubaahneyn warqada daawo qorista sida xanuun baabi’iye. Hadii aad iibsato iyada oo uu daawada dhakhtarka kuu qorin, adiga ayaa iska bixin doonaa kharashka oo dhan.

Kasoo qadashada daawada farmashiga

Kawaran hadii aan helo qaan-sheegashada caafimaadka?

Ka sameeyso balanta xafiiska adeegyada caafimaadka sida ogu dhaqsiyaha badan hadii aad kahesho qaan sheegashada dhaqtarka, farmashiye ama isbitaalka ku weeydiinaya inaad bixiso kharashaadka caafimaadka. Shaqaalaha adeegayada caafimaadka ayaa kucaawin doona.