Ma waxaad tahay ilmo yar aan la wehlin?

Ma waxaad tahay ilmo yar (ka yar 18) oo miyaad timid Biljimka bilaa Waalidiin ama mas'uulka sharciga ah? Markaa waxaa laguu tixgelinayaa inaad tahay ilmo yar ajnabi ah oo aan la wehlin.

Miyaad timid Biljimka adigoo ah ilmo yar aan la wehlin? Kaligaa ma tihid. Dad dhawr ah ayaa halkan u joogo inay ku caawiyaan: mas'uulka, qareenka, iyo kormeereyaasha ku sugan xarunta qaabilaada. Waxay kaa caawin doonaan go'aamada ku saabsan mustaqbalkaaga waxayna bixiyaan jawi amaan ah.

Gudaha Biljimka, waxaa ilmo yar haddii aad ka yartahay 18 sano jir. Haddii aad ka weyn tahay 18, waxaad tahay qof weyn. Haddii Xafiiska Socdaalkaama Adeegga Hagitaanka shaki kaga jiro da'daada, waxaa laguu sheegi doonaa inaad marto baaritaanka da'da.

Ilmaha yaryar aan la wehlin

Maxay da'daadu (ka yar 18 sano jir) aad muhiim ugu tahay?

  • Habraacaaga. Ilmo yar ajnabi ah oo aan la wehlin ahaan, waxaad bilaabi kartaa habraaca magangelyo, ama waxaad bilaabi kartaa habraaca degganaashaha ee khaaska ah.
  • Hagitaankaaga. Hoorisocodkaaga Adeegga hagitaanka wuxuu kuu xilsaari doonaa mas'uul sida ugu dhakhsaha badan. Isaga ama iyada ayaa kaa caawin doona oo kugu matali doona habraaca magangelyada ilaa aad ka gaareyso 18 sano jir. Waxaad muhiim ah in adiga iyo mas'uulkaaga u tagtaan qareen si aad uga wadahadashaan habraacaaga.
  • Meesha aad deggan tahay. Ilmo yar haaan, waxaad kula nooshahay da' yar isku fac tihiin qayb gaar ah oo xarunta qaabilaada. Kormeerayaasha ayaa kaa caawiya cuntada, dharka, dugsiga iyo wakhtiga firaaqada.
  • La xiriirida qoyskaaga. Mas'uulka iyo kormeereyaasha ayaa kaa caawin doona inaad (dib) ula xiriirto qoyskaaga.

Ma waxaad ku sugan tahay halis? Ka wac booliska lambarka degdega ah: 112 ama 101.