Raadi guri kiro ah

Ka dib marka laguu aqoonsado qaxootinimo, waxaad haysataa 2 bilood si aad u hesho guri aad leedahay. Waqtigaas ka dib, waa inaad ka tagtaa xarunta qaabilaada ama guriga ay leeyihiin CPAS/OCMW.

Haddii aadan weli helin guri ka dib 2 bilood, Fedasil waxay muddadan kordhin kartaa ugu badnaan 4 bilood.

Diyaarso dukumeentiyadaada

Ka hor inta aadan bilaabin raadinta guri aad leedahay, hubso in dhammaan dukumeentiyadaada diyaar kuu yihiin.

Waxaad u baahan tahay dukumiintiyadan si aad u gabagabeyso heshiiska kirada.

Meeqo ayaad ka bixin kartaa guri? 

  • Waxaan kugula talin laeyn inaad u isticmaasho sadex ka meel hal meel dakhligaaga guri gaaga. Ha u isticmaalin in ka badan kala bar dakhligaaga kiro!

Hel guri

Waad raadsan kartaa guri.

  •  Suuqa gaarka ah: iyadoo loo marayo wakaalada dawladda ama saaxiibo, ama dad aad is-barateen ama tabbaruceyaal kaa caawin kara inaad mid hesho.
  • Suuqa bulshada: Xafiis Bulsheed Kireysan (SVK/AIS) ama Shirkadda Guriyeynta Bulshada (SHM/SLS) waxay siiyaan guryo dadka u baahan guri.

Sameeyso ballanta wixii booqasho ah

  • Hubi in guriga xaaladiisa fiican tahay. Ma leeyahay daarad bannaan oo ku filan? Ma jiraan meelo biyaha soo daadiyo? Ma leeyahay biyo, kululeyn iyo koronto? Ma yahay guriga meel ammaan u ah qoyskaaga?

Soo gunaanad heshiiska kirada

  • Mulkiilaha iyo adiga (kireystaha) waa inaad saxiixdaan heshiis kiro.
  • Milkiiluhu wuxuu weydiisanayaa hal carbuun kiraystaha. Carbuunta waxay u dhaxeysaa kirada 1 iyo 3 bil. Waxaad weydiisan kartaa CPAS/OCMW inay sii bixiso carbuunta, balse waa inaad dib u bixisaa caddadan.