Kaalmada bulshada laga helo CPAS/OCMW

Haddii laguu aqoonsado qaxootinimo oo aadan weli heysan dakhli aad ku kireysato guri oo aad is masruufto, waxaad weydiisan kartaa caawimaad CPAS/OCMW.

Yaa helo aalmada bulshada ee CPAS/OCMW?

Si aad uga hesho kaalmada bulshada CPAS/OCMW, waxaa lagaaga baahan yahay inaad buuxiso shuruudo dhowr ah:

  • Waa inaad si sharci ah u deggan tahay Biljimka (qaxooti la aqoonsan yahay, magangelyada hoose, iwm.)
  • Aad u baahan tahay. CPAS/OCMW waxay qiimeyn doonaan xaaladaada iyo dakhligaaga.
  • Aad ku leedahay goob degganaansho gudaha Biljimka.

CPAS/OCMW waxay sidoo kale soo rogi karaan shuruudo kale: inaad diyaar u tahay inaad shaqeyso, marka koowaad aad codsanayso macaashyada kale aad xaqa u leedahay, iwm.

Ilaa inta aad ka heleyso go'aan ku saabsan codsigaaga magangelyada caalamiga ah, xaq uma lihid taageerada bulshada ee CPAS/OCMW. Waxaa lagugu dejin doonaa goob soo dhaweyn, oo ah xarunta qaabilaada Fedasil ama Laanqeyrta Cas, ama guri ay leeyihiin CPAS/OCMW.

Waa maxay gargaarka ay bixiyaan CPAS/OCMW?

CPAS/OCMW waxay qiimeysaa nooca kaalmada ee kugu habboon. Qaar ka mid ah kaalmada ay bixiyaan CPAS/OCMW:

  • kaalmada dhaqaale ( mushaarka bilaha ah ama kabida haddii aad kasbato in ka yar mushaarka)
  • guriyeynta ama kaalmada raadinta guriyeynta
  • gunnada rakibaadda (ka caawinta iibsashada alaabta guriga iyo maceeshada guriga)
  • kaalmada bixinta daryeelka caafimaadka
  • ka caawinta raadsashada shaqada
  • ka caawinta dib u bixinta deynta (dhex-dhexaadinta deymaha )
  • kaalmada nafsaaniga-bulshada

Haddii aad u baahan tahay kaalmo bulsheed, u tag CPAS/OCMW ee degmada aad joogto.