Ereybixinta

A B C D F G H I J K L M N Q R S T W X
H

Heshiiska Caalamiga ah ee Geneva

Heshiiska Qaxootiga (1951) waxaa saxiixay 150 waddan, uu ka mid yahay biljimka. Markii la saxiixay heshiiska, waddamadan waxay ballanqaadeen in ay ilaaliyaan qof kasta oo aan lagu badbaadin waddankiisa. Iyadoo lagu saleynayo heshiiskan, qofka ayaa loo aqoonsan karaa qaxootinimo. Qaxootiga waa in ay buuxiyaan shuruudaha soo socda: waa inay joogaan meel ka baxsan waddankooda, waa inay leeyihiin sabab ay uga cabsanayaan handadaad ayna awoodin ama aysan rabin inay ka dalbadaan badbaadin dalalkooda. Sababta handadaada waa inay noqotaa mid ka mid ah kuwan soo socda: jinsiyadda, diinta, dhalashada, xukunka siyaasadeed ama koox bulsheed.