Caawimaada nolosha madaxa bannaan

Miyaa laguu aqoonsaday qaxootinimo oo ma ka weyn tahay 16 jir? Markaa waxaad codan kartaa inaad kaligaa noolaato.

Ma jeclaan laheyd inaad kaligaa noolaato? Markaa adiga iyo mas'uulkaaga waxaad codsan kartaan caawimaada nolosha madaxa bannaan. Midaasi waxay micnaheedu tahay inaad kaligaa ku nooshahay istuudiyo ama duddo.

Si aad kaligaa u noolaato, waa inaad buuxisaa shuruudo dhowr ah:

  • Waa inaad ka weyn tahay 16 jir
  • Waa inaad tahay qaxootila aqoonsaday, heshay magangelyada hooseama haysato ruqsad degganaansho in ka badan 3 bilood
  • Waa inaad ku nooleyd xarunta qaabilaada ugu yaraan 4 bilood (joogitaan dheer)
  • Aad si buuxda oo madax banaan kaligaa u nooleyd

Waxaad kaliya u wareegi kartaa istuudiyo ama duddo marka aad hesho heshiiska xarunta qaabilaada ee kali noolaanshaha.

Fedasil ayaa kuu dooranaysa meel fiican aad ku noolaato.

Caawimaada nolosha madaxa bannaan

Haddii aad kaligaa nooshahay, waxaad heli doontaa caawimo dheeraad ah ilmo yar aan la wehlin ahaan.

  • Kormeeraha gaarka ah wuxuu kaa caawinayaa arrimaha la taaban karo: raadinta tababar ama shaqo, bixinta biilasha iwm. Kormeerahaagu sidoo kale wuxuu kaa caawinayaa inaad si wanaagsan u qaadato wakhtiga aad firaaqada tahay, inaad la xiriirto qoyskaaga oo aad sameysatid saaxiibo cusub.