Sharciga qaxootinimo

Magangelyo doonadu helo sharciga qaxootinimo waxay sii joogi karaan Biljimka.

CGRS (CGRA/CGVS) ayaa go'aamiyo inaad ka heli karto magangalyo Biljimka iyo in kale. Haddii aad hesho sharciga qaxootinimo, waxaad ku sugnaan kartaa 5 sano gudaha Biljimka. 5 sano ka dib, waxaad yeelan doontaa xuquuq deganaansho aan xaddidneyn.

CGRS waxay qaadataa go'aankeeda iyadoo ku saleysan Heshiiskii Geneva ee qaxootiyada. 

Qaxootiyadu waxay leeyihiin xuquuq iyo waajibaad la mid ah tan dadka Biljimka. Way shaqeyn karaan oo waxay codsan karaan taageerada bulshada. Weydii shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga sharaxaad. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaad shabakada CGVS/CGRA.

Qaxootiyadu kuma laaban karaan waddankooda asalka ah.

Codsadeyaasha magangelyada qaarkood ma helaan sharciga qaxootinimada balse waxay helaan 'magangalyo hoosaad'.