Ma u baahan tahay hoy?
Miyaadan xuquuq u laheyn qaabilaad oo ma raadinaysaa meel aad seexato oo ku taalo bay'ad ammaan ah? Hay'ado kala duwan oo ku sugan Biljimka ayaa siiya caawimaad iyo hoy dadka u baahan.
Hay'adaha dadka guri la'aanta taageero ayaa bixiya cawimaada soo socota:
- goob la seexdo
- qubeys iyo xarumo fayadhowr
- qol dharka lagu dhaqdo
- cunto
- qolka lebbiska
- taageero
Magaalooyin kala duwan oo ku yaala Biljimka waxaa laga helaa goobo ay seexdaan dadka guri la'aanta ah. Xilliga qaboobaha, marka gudaha Biljimka qabow ka jiro, waxaa jira goobo dheeraad ah oo soo dhaweyn. Dadka ku nool jidadka ayaa habbeenkii halkaas ku qaadan kara.
Ma garanaysid meesha aad aadi kartid?
Tag CPAS/OCMW ama CAW aagaaga. Way ku caawin doonaan waxayna kuu gudbin doonaan hoyga dadka guri la'aanta ah.
Guryaha dadka hoy la'aanta ah ee ku yaala Brussels
Si aad u heshid goob aad seexato oo ku taala Brussels, waxaad tagi karta SamuSocial.
- Ku qabso booskaaa onlaynka si aad u seexato: https://0800.samusocial.be
- Ama wac lambarka telefoonka ee bilaashaka ah 0800/99 340 (inta u dhaxeysa 10am iyo 4pm) si aad u qabsato meel aad seexato.
Si aad u qubeysato, dhaq dharkaaga, oo jaro timahaaga, waxaad tagi kartaa DoucheFLUX.