Dib u dejinta qaxootiga gudaha Biljimka

 Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa Biljimka ku yimaada dib u dejin.

Dadkaan waxay ka yimaadeen meel ka baxsan Yurub waxaana aqoonsaday UNHCR, Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Kadib markii ay baareen Biljimka, dadka la xushay waxaa lagu siiyaa aqoonsi magangelyo gudaha Biljimka oo si joogto ah ayey u degi karaan dalka.  

Yaa dib udejin ka heli kara Biljimka?

Biljimka wuxuu marka hore doortaa tiro dad ah iyo wadamadda ay rabto inay dib u dejiso. UNHCR ayaa markaa kadib ku aqoonsan doonta qaxootiga ugu nugul isla goobta.

CGVS/CGRA iyo Fedasil waxay kula kulmaan qaxootiga wadamadda ay markaa ku sugan yihiin. CGVS/CGRA waxay falanqaysaa codsigooda magangelyada caalamiga ah. Fedasil waxay sameysaa baaritaanka caafimaad, waxay u diyaarisaa qaxootiga joogitaankooda waare gudaha Biljimka, waxayna abaabushaa safarkooda iyo ku soo-dhaweynta gudaha Biljimka. 

Tan iyo 2013, qaxootiga badandiisee ee dib-u-dejinta loogu sameeyay gudaha Biljimka waxay ahaayeen Siiriyaan ku noolaa Urdun, Turkiga iyo Lubnaan. Qaxootiga Afrikaanka ah ee ka yimid gobolka Great Lakes (Kongo, Burundi, Yugaandha) iyo marinka Badda Dhexe (Liibiya) ayaa iyaguna helay magangelyo.
 

Dib u dejinta suurtagal uma aha qaxootiga horay ugu sugan Biljimka ama Yurub.