Dawladda Fadaraalka

Waxaa ka jira hal dawlad gudaha Biljimka taasoo gaarta go'aanada dalka oo dhan: dawladda fadaraalka.

Gudaha dawladda fadaraalka waxaa ka jira ugu badnaan 15 wasiir, mararka qaar taageero u yahay xoghayaha dawladda. Waxay go'aan u gaaraan oo u sameeyaan xeerar qabyo ah dalka oo dhan. Waxaa jira tiro siman oo wasiiro ah oo ku hadla luqadda Holland iyo Faransiiska. Madaxa dawladda federaalka waa Ra'iisul Wasaaraha.

Sidee ayaa dawlada federaalku u dhisantay?

Ka dib doorasho (5-tii sannaba mar) xisbiyada siyaasadeed ee sida wadajirka ah u helo aqlabiyada kuraasta baarlamaanka ayaa dhisi kara dawlad. Xisbiyada siyaasadeed ee aqlabiyadda haysta ayaa magacaabaan wasiirrada. Sidaa darteed wasiiradu maaha kuwo si toos ah ay u doortaan dadweynaha reer Biljim.

Xisbiyadda siyaasadeed ee badan

Gudaha Biljimka, hal xisbi kaliya marnaba ma hayo awooda. Xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan waxay u baahan yihiin in ay la wada shaqeeyaan dawlada, taasoo aan ugu yeerno isbahaysi.

Maxay dawladda fadaraalka go'aan ka gaartaa?

Dawladda fadaraalka waxay go'aamisaa arrimaha muhiimka ah sida amniga, sugnaanta bulshada, caafimaadka dadweynaha, arrimaha dibadda, caddaaladda, socdaalka, difaaca, iwm. Arrin kasta, wasiir ama xoghayaha dawladda ayaa kati u leh.