Xoriyadda

Xorriyadda waxaa loola jeedaa inaad xaq u leedahay fikradahaaga iyo aragtiyadaada, aad ku difaacdid naftaada, aad ku dooratid diintaada, aad ku doorato lammaanahaaga.

Freedom lagu damaanad qaaday sharciga

Waxaa jira xorriyado kala duwan oo lagu damaanad qaaday sharciga Biljimka:

  • Xorriyada diinta: xorriyadda ku dhaqanka diin kasta ama diin-laawe.
  • Xorriyada waxbarashada: Waalidiintu waxay xor u yihiin inay doortaan nidaamka waxbarashada ee carruurtooda
  • Xorriyada saxaafada: wargeysyada iyo kanalada kale saxaafadeed lama jasuureyn karo
  • Xorriyada hadalka: xorriyad aad ku muujinayso waxa aad aaminsan tahay
  • Xuquuqda isku imaatinka iyo wadaaga
  • Xorriyada dooqa lammaanaha: guurka qasabka ah, waa fal-dambiyeed gudaha Biljimka, xuquuqda guurka dadka isku jinsiga ah
  • Xuquuqda aayo-ka-talinta gaarka ah: ilmo iska-xaaqida iyo dhibib-raacinyo waxaa laga fulin karaa gudaha Biljimka iyadoo ku xiran xaalado qaarkood

Xaddidaada xorriyadda nolosha

Waxaa jira xaddidaado xoriyadeed. Biljimka wuxuu rajaynayaa in aad qaado mas'uuliyada ficiladaada.

Waxaad xor u tahay inaad doorato qaab nololeedkaaga, laakiin mararka qaarkood dabeecadaha qaar ama dharka ayaa laga yaabaa in ay wahaan fahamdarro, diidmo ama mamnuucid. Tusaalooyinka qaar:

  • Socoshada dhar la'aanta/qawnida (laga mamnuucay goobaha dadweynaha)
  • Sakhraannimo (laga mamnuucay goobaha dadweynaha)

Xaddidaada xorriyadda diinta

  • Waxaad xor u tahay diinta, laakiin waa inaad tixgelisaa xeerarka wada noolaanshaha iyo qawaaniinta gudaha ee xarunta qaabilaadda ama barnaamijka qaabilaada ee deegaanka.
  • Waxaa jira xaddidaada soo bandhigida diintaada.
  • Xiraqshada burqa (indho-shareerka) waa ka mamnuuc goobaha dadweynaha.
  • Xirashada dharka ama calaamadaha diimeed, sida masarka, mamnuuc kama ahan qaar ka mid ah dugsiyada iyo goobaha shaqada.

Xaddidaada xorriyadda hadalka

Xorriyadda hadalka ma ahan xuquuq buuxda. Sharciga ayaa tilmaamaya xaddidaada:

  • Mamnuucida cunsuriyadda iyo midabtakoorka (sharciga ka hortagga cunsuriyadda iyo midab-takoorka)
  • Mamnuucida Yuhuud-naceybka (sharciga ku saabsan diidmada Gumaadkii Yahuuda)
  • Mamnuucida naceybka qaniisiinta
  • Waa inaad ixtiraamtaa diimaha kale