Xorriyada diineed

Gudaha Biljimka, waxaad xaq u leedahay xorriyad diineed iyo caqiido.

Xorriyada diineed

Ma jirto diin dawladeed ama diin rasmi ka ah gudaha Biljimka. Waxaad xaq u leedahay xorriyad diineed. Waxaad sidoo kale xor u tahay inaadan noqon qof diin leh.

Had iyo jeer ixtiraam caqiidooyinka ama waxa ay aaminsan yihiin dadka kale, xitaa haddii aysan rumaysanayn ama aysan ku dhaqmin diintooda.

Sharciga ayaa ka horeeya diinta

Diin kasta oo aad doorato, sharciga ayaa mudnaanta ka leh diinta. Tani waxay ka dhigan tahay in sharcigu kaliya go'aamiyo waxa aad sameyn kartid iyo waxa aadan sameyn karin, iyo sababaha lagaa ciqaabi karo gudaha Biljimka.

Kaniisada iyo Masaajidka

Degmo ama magaalo kasta waxaa sidoo kale ku yaalo kaniisad aad jameeco u aadi karto. Magaalooyinka badankood ee Biljimka masaajid ayaad aadi kartaa si aad ugu soo tukato.

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Weydii adeegahaaga bulsho halka uu ku yaalo masjidka, kaniisada ama goobaha kale ee cibaadada ee ku yaala aaggaaga.