Waddan kale oo ka tirsan Yurub ayaa mas'uul ka ah codsigaaga

Xafiiska Socdaalka wuxuu hubiyaa in Biljimka ama waddanka kale oo ka tirsan Yurub wax ka qaban doono codsigaaga magangelyada caalamiga ah. Midaan waxaa loo yaqaan 'Qaanuunka Dublin’.

Marka aad ka codsato magangelyada caalamiga ah Biljimka, Xafiiska Socdaalka ayaa hubin doona in Biljimka mas'uul ka yahay wax ka qabashada codsigaaga iyo in kale.

Haddii, sida ku cad sharciyadda Midowga Yurub (EU) (Qaanuunka Dublin), waddan kale oo ka tirsan Yurub ayaa mas'uul ka yahay, waxaa dib laguugu dirayaa waddankaas si ay wax uga qabtaan codsigaaga.

Waddankee ayay tahay inuu wax ka qabto codsigayga?

  • Mudnaan ahaan, waddanka aad ku leedahay xubin qoys oo horay loogu aqoonsaday qaxootinimo ama habraac u socdo.
  • Haddii aadan ku lahayn xubin qoys waddankan, waddanka mas'uulka ka ah waa midka aad ka haysato ruqsad deganaansho ama fiiso.
  • Haddii aadan haysan fiiso ama ruqsad deganaansho (waxaad sidaas darteed ku gashay dal Yurub ah si sharci-darro ah), waddanka mas'uulka ka ah waa midka aad ka gashay Yurub.

Maxaa dhacayo haddii waddan kale oo ka tirsan Yurub mas'uul ka yahay codsigayga?

Xafiiska Socdaalka wuxuu ka codsan doonaa waddankan inuu wax ka qabto codsigaaga. Haddii waddankan waafaqo, Xafiiska Socdaalka ayaa qabanqaabin doona safarka aad ku tagayso waddankan.

Goorma ayuu Biljimku mas'uul ka noqon doonaa wax ka qabashada codsigayga?

  • Haddii wax shuruudaha sharciga Midowga Yurub (EU) (qaanuunka Dublin) khuseyn xaaladaada
  • Haddii waddanka ka tirsan Yurub oo mas'uulka ka ah diido inuu ku daryeelo
  • Haddii waddan ka tirsan Yurub mas'uul ka yahay balse wareejintaada aysan dhicin 6 bilood gudahooda aqbalaada ka dib, markaa Biljimka wuxuu si toos ah mas'uul uga noqonayaa codsigaaga.

Haddii Xafiiska Socdaalka aaminsan yahay inaad "sharciga ka dhuumatay" (tus. aadan ku sugneyn cinwaanka aad bixisay oo aan lagu heli karin) ama haddii aad ku jirto xabsi, muddadan waa la kordhin.

Haddii aad tahay ilmo yar aan la wehlin oo ajnebi ah, sharciyada way duwan yihiin.