Raadinta
Tahriibiye
Qof si sharci-darro ah u keena dadka xuduudaha si uu uga helo khidmad badan. Wuxuu badanaa bixiyaa gaadiid-raac, cunto, hoy, iyo dukumintiyo (bug ah). Tahriibiyaha wuxuu arrintan ku qaataa lacag badan. Qaar ka mid ah tahriibiyeyaasha waxay ka tagaan macaamiishooda.
Marxaladda mudnaanta
Inta lagu jiro marxaladda mudnaanta, nuxurka codsigaaga ayaa la baarayaa (mudnaanta qofka iyadoo la fiirinayo). Xaqiiqooyinka dhabta ah ee codsigaaga ayaa la baarayaa.
Dhismooyinka dadweynaha
Dhismooyinka dawladda ee si xor loo isticmaali karo. Halkani waxaad u tagi kartaa inaad ka hesho macluumaad ama adeegyo kale.
Kaalmada carruurta
Gudaha Flanders 'Groeipakket' ('xirmada koritaanka'). Qaaraan ku wajahan kharashka korinta carruurta ilaa da'dodu ka gaarto 18 jir. Caddada waxay ku xiran tahay da'da iyo goobta uu deggan yahay ilmaha.
CAW
Xarunta daryeelka guud ee shaqada. CAW waxay siisaa caawimaad xirfadeed dadka qaba dhibaatooyinka. Si wadajir ah, ayay la-taliyeyaashu u raadin doonaan fursadaha aad haysato iyo kuwa kugu xeeran. Waxay sidoo kale kuu gudbin karaan adeegyada kale.
Heshiiska kirada
Heshiis guri oo ka dhaxeeyo mulkiile iyo kireyste. Kireyste ahaan, waxaa ku difaacayo sharciga.
Daawada dhakhtarku qoray
Dukumiinti qoran oo dhakhtarku siiyo bukaan si uu uga soo iibsado dawooyinka qaarkood farmashiyaha.
Arday shaqeeya
Arday (dugsi sare ama waxbarashada sare) kaasoo sidoo kale haysta shaqo marka lagu daro waxbarashadiisa. Shuruuc gaar ah ayaa lagu dabaqaa shaqooyinka ardayga. Waa inaad ugu yaraan ahaataa 15 sano jir.
Guryaha la wadaago
Goob ku taalo xarunta qaabilaada ee dadka da'doodu ka yar tahay 18 jir ay wada seexdaan oo ay ku wada nool yihiin iyo kormeerayaalna ay joogaan oo ku sameeya kormeer.
Ciqaabta
Ciqaab maamuleed aad marayso marka aad jebiso sharciyada kooxda ee xarunta qaabilaada.
Markaad hesho shahaadada waxbarashada dugsiga sare, waxaad ka sii wadi kartaa waxbarashadaada kuleejo ama jaamacad. Waxbarashada sare waxay kuu horseedaa diblamooyinka suuqa shaqada: macalin, kalkaaliso, xisaabiye, iwm.
Miyaadan xuquuq u laheyn qaabilaad oo ma raadinaysaa meel aad seexato oo ku taalo bay'ad ammaan ah? Hay'ado kala duwan oo ku sugan Biljimka ayaa siiya caawimaad iyo hoy dadka u baahan.
Ka dib markaad diiwaangeliso codsigaaga magangelyada, Xafiiska Socdaalka ayaa kugu casumi doona xafiiskooda si aad si toos ah ugu 'xerayso' codsigaaga.
Xafiiska Socdaalka ayaa kugu casumaya (mararka qaarkood dhowr jeer) inay su'aalo ku weydiiyaan.
Xorriyadda waxaa loola jeedaa inaad xaq u leedahay fikradahaaga iyo aragtiyadaada, aad ku difaacdid naftaada, aad ku dooratid diintaada, aad ku doorato lammaanahaaga.
Aad ayaad u jirran tahay oo laguguma daaweyn karo waddankaaga asalka ah Waxaad codsan kartaa joogteynta caafimaadka si aad ugu sugnaato Biljimka. Joogteynta waa habraac aan caadi aheyn.
Gudaha Biljimka, waxaa jira diimo iyo caqiidooyin kala duwan. Diinta ugu weyn waa diinta Masiixiga. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo aan diini ahayn.
Belgium waxay u qeybsantahay 10 gobol. Gobol walba wuxuu leeyahay caasimad. Brussels waa caasimada Belgium.
Kusoo dhawoow xarunta imaanshaha ee Fedasil ee Brussels kutaal. Tani waa meesha dadku ka codsan karaan badbaado caalami ah gudaha Belgium.