Waa maxay baaritaanka da'da?

Marka aad diiwaangelinayso codsigaaga magangelyada caalamiga ah, waa inaad sheegtaa inta sano aad jirto. Haddii Xafiiska Socdaalkaama adeegga Hagitaankashaki kaaga jiro da'daada, waxaa laguu sheegi doonaa inaad marto baaritaanka da'da.

Baaritaanka da'da

 

Waa maxay baaritaanka da'da?

Gudaha isbitaalka, dhakhtar ayaa ka qaadayo raajo ilkahaaga, kalxantaada iyo curcurkaaga. Baaritaanka waa xanuun la'aan. Dhakhtarku wuxuu qiimeyn doonaa muuqaalka raajada wuxuuna go'aamiyaa inaad ka weyn tahay ama ka yar tahay 18 sano. Iyadoo lagu saleynayo natiijooyinkan baaritaanka da'da, adeegga hagitaanka ayaa go'aamin doona haddii aad tahay ama aadan ahayn ilmo yar.

Qofka weyn?

Maxaa dhacayo haddii Adeegga Hagitaanka go'aamiyaan inaat tahay qof weyn aadna khilaafto go'aanka? Qareenkaaga ayaa racfaan ka qaadan karo go'aanka (60 maalmood gudahooda). Habraacan wuxuu qaadan karaa wakhti dheer. Inta aad sugeyso jawaab-celinta, ama haddii aadan racfaan ka qaadan, waxaad raacdaa habraaca magangelyo ee loogu talagalay dadka waaweyn.