Gorma ay dukaamadu furan yihiin?

Dukaamada intooda badan ee ku yaala Biljimka waxay furan yihiin 10 subaxnimo ilaa 6 galabnimo, Isniinta ilaa Sabtida. Dukaamada way xiran yihiin Axadaha.

Hubinta saacadaha furitaanka

Dukaamada raashiinka

Dukaamada aad ka iibsan kartid raashinka, iyo suuq-weynayaasha (Aldi, Lidl, Colruyt, Delhaize, Carrefour, Spar) badanaaba waxay furan yihiin 8.30 subaxnimo waxaana la xiraa 6 galabnimo. Dhammaan dukaamada oo dhan way xiran yihiin Axadaha.

Waxaad sidoo kale ka soo iibsan kartaa raashiinka suuqa degaanka. Degmooyinka badankood waxay qaban qaabiyaan suuqyo maalin gaar ah toddobaadkiiba. Maalinta suuqa way kala duwan yihiin degmo iyo magaalo walba.

Dukaamada dharka

Dukaamada dharka intooda badan ee ku yaala Biljimka waxay furanyihiin 10 subaxnimo ilaa 6 galabnimo, Isniinta ilaa Sabtida. Dukaamada way xiran yihiin Axadaha.

Dukaamada habeenka

Magaalooyinka, tuulooyinka waaweyn ama daafaha waddooyinka mashquulka ah, waxaa ku yaala dukaamo kaliya furan habeenkii. Dukaamada habeenka waxay iibiyaan khamri, sigaar, cunto iyo qaar ka mid ah baddeecooyinka guriga.

Baddeecooyinka laga helo dukaamada habeenka badanaa way ka qaalisan yihiin dukaamada furan maalintii.

Farmasiyada

Kaliya waxaad ka iibsan kartaa daawooyinka farmasiyada. Farmasiyada badanaa waxay furan yihiin 10 subaxnimo ilaa 7 galabnimo, subaxyada Sabtida ah 10 subaxnimo ilaa 12 galabnimo. Farmashiyeyaasha waa la xiraa galbaha Sabtida iyo Axadaha.

Haddii aad si dhakhso ah ugu baahan tahay daawo oo aad fasax ka haysato dhakhtarka, waxaad tagi kartaa farmashiyaha heeganka ah. 

Kani waa farmashiiye ku yaala gobol kasta oo furan habeenkii ama Axadaha. Weydii dhakhtarka farmashiga ku jira heeganka.