Raadinta
Magangelyo-doonka waxay heli karaan kaalmo wareem.
Dukaamada intooda badan ee ku yaala Biljimka waxay furan yihiin 10 subaxnimo ilaa 6 galabnimo, Isniinta ilaa Sabtida. Dukaamada way xiran yihiin Axadaha.
Ka dib marka laguu aqoonsado qaxootinimo, waxaad haysataa 2 bilood si aad u hesho guri aad leedahay. Waqtigaas ka dib, waa inaad ka tagtaa xarunta qaabilaada ama guriga ay leeyihiin CPAS/OCMW.
Xafiiska Socdaalka wuxuu hubiyaa in Biljimka ama waddanka kale oo ka tirsan Yurub wax ka qaban doono codsigaaga magangelyada caalamiga ah. Midaan waxaa loo yaqaan 'Qaanuunka Dublin’.
Laguuma oggolaan xuquuqda deganaanshaha, balse iyadoo ugu wacan tahay sabab gaar ah kuma laaban kartid waddankaaga asalka ah. Waxaad soo gudbin kartaa codsiga joogteynta bini'aadanimadda. Joogteynta waa habraac aan caadi aheyn.
Miyaad ka baqaysaa in lagugu caddaadiyo waddankaaga asalka ah iyadoo ugu wacan tahay noocaaga galmada ama aqoonsigaaga jinsi? Waxaad codsan kartaa magangelyada caalamiga ah.
Haddii aad rabtid inaad codsatid magangalyo, tallaabada koowaad waa diiwaangelinta codsigaaga.
Sidee u salaantaa qof jooga Biljimka?
Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa Biljimka ku yimaada dib u dejin.
