Magangelyada hoose

Magangelyo-doonka qaarkood looma arko inay yihiin qaxooti balse waxay helaan "magangelyo hoose".

Marka aad badbaadin ka codsato Biljimka, CGRS (CGRA/CGVS) ayaa go'aansan karaan inaysan ku siinin sharci qaxootinimo. Balse CGVS/CGRA ayaa ku siin kara badbaadin kale: "magangelyo hoose".

Sabab? Waayo ma adaan buuxin shuruudaha Heshiiska Geneva balse, haddii aad ku noqoto waddankaaga, waxaad la kulmaysaa dhibaatooyin daran. Midaan waxay noqon kartaa maadaama waddankaaga ku jiro dagaal ama maadaama aad halis ugu jirto ciqaab dilka ama lagu jirdiley.

Haddii lagu siiyo sharciga magangelyada hoose, waxaad helaysaa ruqsad deganaansho muddo dhan hal sano. Dawladda hoose waxaa laga yaabaa inay markaa dib u cusbooneysiiso waqti kasta muddo laba sano ah. Ka dib shan sano, ka-faa'deystaha magangelyada hoose wuxuu heli karaa ruqsad deganaansho muddo aan xadidnayn. Habraacan waxaa sidoo kale gacanta ku haynayo dawladda hoose.

CGVS/CGRA ayaa kaala noqon karo magangelyadaada hoose haddii xaaladda waddankaaga isbeddesho (dagaal) oo aysan marnaba jirin wax halis ah.

Weydii shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga sharaxaad. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaad shabakada CGVS/CGRA.