Xayiraada

Xaaladaha qaarkood oo ku xiran shuruudo gaar ah, maamulka Biljim ayaa ku xayiri kara muwaadiniinta ajnabiga ah xabbiska.

Yaa la xayiri karaa?

  1. Muwaadiniinta ajnabiga ah aanan haysan sharci deganaansho.

Xafiiska Socdaalka waxay xayiri karaan muwaadiniinta ajaanibta ah aanan haysan sharci deganaansho.

  • Dadka la siiyay go'aan diidmo ah oo ku saabsan joogitaankooda oo helay amar ay kaga baxaan dalka (OQL/BVG).
  • Codsadayaasha waddan kale masuul ka yahay habraacooda (habraaca Dublin).
  • Muwaadiniinta ajaanibta ah aanan haysan oggolaansho ay kusoo galaan Biljimka.

Haddii aadan u hogaansamin amarka aad kaga baxayso dalka, si qasab ah ayaa lagaaga saarayaa Biljim. Sidaas darteed, Xafiiska Socdaalka waxay kuu wareejin doonaan xarun xabsi ama guri lagu noolyahay.

Xabbiska inta lagu jiro habraaca

 

2. Inta lagu jiro habraaca

Inta lagu jiro habraaca magangelyada, muwaadinka ajnabiga ah waa la xayirayaa:

  • si loo xaqiijiyo aqoonsigooda ama dhalashadooda,
  • haddii ay dhacdo halis ah halhaleel bixid(aad ka dhuumato Xafiiska Socdaalka).
  • haddii codsadaha horay loo xayiray si celin qasab ah oo jadwalaysan loo fuliyo oo codsi cusub gudbiyo gudaha xarunta xabsi iyada oo ujeeddada keliya ay tahay in dib loo dhigo soo-noqoshada qasabka ah,
  • haddii ilaalinta amniga qaranka ama nidaamka guud sidaasi u baahan tahay.

Muddo intee leeg ayay qaadan kartaa muwaadin shisheeye ah in la xayiro?

  • Xabbiska wuxuu soconayaa 2 bilood.
  • Labadan bilood waxaa loo kordhin doona 5 bilood, iyadoo la eegayo shuruudaha qaarkood oo haddii soo-noqoshada qasabka ah dhici wayso labada bilood gudahood.
  • Haddii ay jirto khatar amniga qaranka ah ama nidaamka guud, muddada waxaa laga yaaba in loo kordhin doona 8 bilood.
  • Habraacyada gaarka ah (Dublin, xayiraada xudduuda, etc.) muddada xayiraada way ka duwan tahay.