Waa imisa qiimaha guriga kirada ah?

Qaxooti la aqoonsaday ahaan, marka loo geeyo gurigaaga, waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad daboosho nolol-maalmeedkaaga: cunto, kululeyn, koronto, biyo iwm. Hubso in kiradaada bilaha ah aysan aad u sarreeyn, si aad weli u haysato in kugu filan aad ku noolaato.

Waa maxay qiimaha kirada macquulka ah ee guriga?

  • Wixii ah qoys leh 2 carruur, kirada suurtagalka waa 850 yuuro (bil kasta), duddo ama guri oo leh laba qol oo jiif.
  • Wixii ninama naag iskaabulo ah, kirada suurtagalka waa 500 yuuro (bil kasta) qol ama jees ah.
  • Kireysiga gudaha Biljimka way kala duwan tahay magaalo ka magaalo (xaafada ka xaafad).

Milkiiluhu wuxuu weydiisanayaa hal carbuun kiraystaha. Carbuunta waxay u dhaxeysaa kirada 1 iyo 3 bil. Waxaad weydiisan kartaa CPAS/OCMW inay sii bixiso carbuunta, balse waa inaad dib u bixisaa caddadan.