Magangelyada dhibaneyaasha kala-waaridida ama tahriibinta

Miyaad tahay dhibanaha kala-waaridida dadka ama tahriibinta dadka? Miyuu kaa faa'idaystay loo-shaqeeye, lagugu qasbay tuugsasho, lagaa dhillaystay ama dembi lagu geliyay? Markaa waxaad ka heli kartaa difaac gudaha Biljimka xaaladaha qaarkood.

Goorma laguu tixgeliyaa inaad tahay dhibanaha kala-waaridida dadka?

Haddii aad joogto gudaha Biljimka, aadan haysan dhalashada Biljimka aadna ku jirto in ka badan xaaladahan soo socda:

  • Aad xaalad kale gashay oo ka duwan mida lagaa ballan qaaday.
  • Lagugu qasbay inaad sameyso waxyaabo aadan rabin inaad samayso.
  • Mushaarkaagu ka hooseeyo waxa laguu ballan qaaday. Aan lagu siin mushaar, ama mushaar yar lagugu siiyo, shaqada aad qabato.
  • Lagugu qasbay inaad u shaqeyso dadka halkan ku keenay, si aad safarkaaga isaga bixiso.
  • Adiga ama qoyskaaga la idiin hanjabay, iyo/ama aad tahay dhibbane shaqaaqo.
  • Dukumentiyadaada lagaa qaatay ama lagaa haysto.
  • Lagu xannibay. Aad ku nooshahay go'doon dunida kale ka baxsan.
  • Aad timid Biljimka ka dib safar dheer, kaasoo lacag badan aad kusoo bixisay, aad ahayd dhibbane shaqaaqo ama noolashaada ay gashay halis.

Waa maxay badbaadada ay heli karaan dhibbaneyaasha kala-waaridida dadka?

Dhibbanaha kala-waaridida dadka ahaan, waxaad heli kartaa sharci degganaansho, oo ku xiran xaaladda in:

  • Aad wadashaqeyn kala sameyso baaritaanka dembiyadaas culus.
  • Aadan dib dambe u arag kuwa geystay dambiyadaas culus.
  • Aad ogolaato inay ku taageeraan mid ka mid ah saddexda xarumaha qaabilaadda gaarka ah ee ku yaala Biljimka:
    • gudaha Brussels: PAG-ASA
    • gudaha Antwerp: PAYOKE
    • Gudaha Liege: SÜRYA

 Taageerada xarumaha qaabilaadda

Saddexda xarumaha qaabilaadda ah waxay ku caawiyaan dhibbaneyaasha:

  • hoy ammaan ah
  • taageerada caafimaadka iyo wareemka
  • taageerada sharci

Xarumaha qaabilaadda waxaa la heli karaa 24/7. Codsigaaga macluumaadka si qarsoodi ah ayaa loo qaban doonaa.

Ma u baahan tahay caawimaad degdeg ah, ama ma ku sugan tahay halis? Wac lambarka xaaladaha degdegga ah 101 ama 112.