Joogteynta caafimaadka

Aad ayaad u jirran tahay oo laguguma daaweyn karo waddankaaga asalka ah Waxaad codsan kartaa joogteynta caafimaadka si aad ugu sugnaato Biljimka. Joogteynta waa habraac aan caadi aheyn.

Si aad u hesho joogteynta caafimaadka (9ter) ee Biljimka, waa inaad

Habraaca joogteynta caafimaadka: qorshe tallaabo-tallaabo ah

  1. Waxaad ugu diraysaa codsigaaga iyo shahaadada caafimaadka boosto diiwaangashan Xafiiska Socdaalka.
  2. Xafiiska Socdaalka ayaa hubinayo in codsigaaga dhameystiran yahay iyo in kale. Xafiiska Socdaalka wuxuu sidoo kale hubinayaa in aad u qalanto joogteynta iyo in kale. Midaani waa marxaladda oggolaanshaha.
  • Codsigaaga waa la oggolaan karaa: waad joogi kartaa Biljimka muddada baaritaanka dheeraadka ah.
  • Codsigaaga lama oggolaan karo: waxaad heli go'aan diidmo ah.

3. Xafiiska Socdaalka wuxuu qiimeeyaa codsigaaga, midaan waa marxaladda ‘mudnaanta’.

  • Codsigaaga waa la caddeyn karaa: waxaa lagu siin doonaa xuquuq deganaansho oo ku-meelgaar ah.
  • Codsigaaga lama caddeyn karo: waxaad heli go'aan diidmo ah.

Haddii, codsadaha magangelyada caalamiga ahaan, aad joogto xarun qaabilaad ama martigelinyo ay leeyihiin CPAS/OCMW oo aad codsato joogteynta caafimaadka (9ter), tani waxay saameyn kartaa xuquuqdaada qaabilaad. 

Kala hadal arrintan shaqaalahaaga bulshada.