Fasalada isdhaxgalka

Ma jeclaan laheyd inaad ku dareentid wadankaaga Belgium oo aad si wanaagsan u baratid wadankeena? Qaado jaheynta bulshada iyo fasalada luuqada ee gobolka meesha aad ku nooshahay.

Haddii aad ku cusubtahay Belgium ama haddii aad ku nooleyd Belgium waqti badan, waad raaci kartaa barnaamijka isdhaxgalka oo bilaash ku ah luuqadaada hooyo ama luuqad aad fahmeysid.

Yaa loogu talogalay?

Maxaad barataa?

Barnaamijka isdhaxgalka ayaa ka kooban:

  • Koorsada ku noolaanshaha Belgium (shaqeynta, noolaanshaha, waxbarashada, xaquuqahaaga iyo waajibaadyada)
  • Caawinta lagu helayo shaqo ama koorsada tababarka
  • Warbixin ku saabsan ciyaaraha, dhaqanka iyo waqtiga xorta ah
Koorsada isdhaxgalka