Dukumeentitada aqoonsiga iyo magangelyada caalamiga ah

Sidee dub ugu soo ceshataa dukumeentiyadaada?

Ku dir iimayl CGRA-CGVS.classement@ibz.fgov.be af Holland, Faransiis, Jarmal ama Ingiriisi .

Codsigaagu ma yahay degdeg? Sheeg midaan.

Maxay tahay inaad ku sheegto iimaylkaaga?

Fadlan sheeg sababaha aad u doonayso in laguugu soo celiyo dukumentiyadaada aqoonsiga. Fadlan sidoo kale ku dar dukumintiyada taageeraya ee muhiimka ah.

Ma waxaad tahay qaxooti la oggolaaday? Dib u helida baasaboorkaaga caalamiga ah waxay suurtagal noqon kartaa kaliya marka aad haysato sabab ansax ah. Haddii CGVS/CGRA aysan u tixgelin sababtaada mid aan ku filneyn, CGVS/CGRA waxay dib kaala noqon karaan sharciga qaxootinimo. Dukumentiyada asalka ah aan ka aheyn caddeyn aqoonsi waa la soo celinayaa marka la codsado.

Marka aad qaadan karto dukumeentiyadaada?

Waxaad heli doontaa casumaad iimayl ah si aad u qaadato dukumintiyadaada aqoonsiga. Midaan waxay qaadan kartaa dhowr maalmood. Casumaada waxay dhigi doontaa halka iyo goorta ay tahay inaad timaado.

Yaa qaadi kara dukumentiyada?

Waa inaad shaqsi ahaan u soo qaadataa dukumentiyadaada oo aad saxiixdaa risiid. Waxaad awoodaa, si kastaba ha noqotee, inaad qaadato dukumeentiyada caruurtaada yaryar.

Miyaadan awoodin inaad adiga timaado? Waxaad u soo diri kartaa qof kale. Qofkani waa inuu lahaadaa awood qareenimo. Kani waa dukumiinti qoraal ah oo aad ku siinaysid qofkani oggolaansho uu ku soo qaado dukumentiyadaada. Dukumentigan waa inuu sidoo kale sheegaa sababta aadan u imaan karin oo aad adiga u qaadan karin dukumiintiyada.

Ma waxaad tahay ilmo yar aan la wehlin? Adiga iyo mas'uulkaaga ama mas'uulkaaga kaliya, ayaa qaadi kara dukumentiyadaada.