Dib-u-mideynta qoyska

Laguu aqoonsaday qaxootinimo ama heshay magangelyada hoose aadna doonayso in qoyskaagu imaadaan Biljimka. Tani waa macquul, balse waxaa jira sharciyo badan oo adag. Weydiiso la-talin sharci ka hor inta aanad soo gudbin codsi ku saabsan dib-u-mideynta qoyska.

Waa kuwee xubnaha qoyska ee iman karo?

Iyadoo loo marayo dib-u-mideynta qoyska, xubnaha qoyska ee socda ayaa heli karo xaq u lahaanshaha joogista gudaha Biljimka:

  • Lamaanahaaga ama lammaanaha diiwaan gashan
  • Ilmahaagaaan qaan gaarin
  • Ilmahaaga qaan gaarka ah ee naafada ah
  • Waalidiintaada haddii aad tahay ilmo yar aan la wehlin

Shuruudaha dib-u-mideynta qoyska

Ka hor inta qoyskaaga imaan Biljimka, shuruudo badan waa inaad buuxisaa. Waa inaad ka dalbataa dukumentiyo Biljimka iyo wadankaaga asalka ah, aadna soo turjumtaa Kuwa ugu muhiimsan waa:

  • Dukumentiyada safarka
  • Shahaadada dhalashada
  • Shahaadada guurka
  • Warqada diiwaanka dambiyada
  • Shahaadooyinka caafimaadka

Habraaca dib-u-mideynta qoyska waa qaali! Weydiiso la-talin sharci ka timaada qareen haddii aadan garaneyn sida loo helo dukumentiga.

Codso dib-u-mideynta qoyska sanadka hore gudahiisa ka dib hellida sharciga qaxootinimada ama magangelyada hoose. Ka dib 1 sano, waxaa lagaaga baahan yahay inaad buuxiso shuruudo dheeraad ah:

  • Hoy ku filan qoyskaaga
  • Heerka maciishada oo ku filan (mushaarka)
  • Caymiska caafimaadka

Habraaca

Habraaca wuxuu qaataa inta u dhaxeeyso 9 iyo 15 bilood. Waxaad ka codsan kartaa dib-u-mideynta qoyska dibadda ama Biljimka.

  • Dibbeda
    Waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso codsigaaga safaarada Biljimka. Xafiiska Socdaalka ayaa go'aan ka gaari doona in xubin qoyskaaga ka mid ah uu heli karo fiiso. Fiisaha, waxay qoyskaagu ugu soo safri karaan Biljimka. Fadlan ogsonow: fiisaha macnahiisu ma aha in codsigaaga dib-u-mideynta qoyska la aqbalay!
  • Biljimka
    Haddii qoyskaaga horay u joogay Biljimka, waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso codsiga degmada aad ka diiwaangashan tahay. Degmada ayaa u dirayso codsigaaga Xafiiska Socdaalka. Xafiiska Socdaalka ayaa go'aan ka gaarayo.

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Weydiiso qareen la-talin sharci ka hor habraaca dib-u-mideynta qoyska.