Badqabka biyaha

Waqtiga kuleelaha waa kuleel Belgium iyo dadka waxay ka raadiyaan caajis baxsi biyaha. Kaliya ku dabaalo meesha ay joogaan badbaadiyaha oo ha gelin biyaha haddii aadan dabaalan karin.  

Halkee ayaad ku dabaalan kartaa?

  • Barkadaha dabaasha
  • Aagaga dabaasha la kormeeray ee badda
  • Dabaasha la kormeeray iyo aagaga madadaalada

Haku dabaalan meesha dabaasha laga mamnuucay (wabiyada, kanaalada, meelaha maraakiibta). Kaliya ku dabaalo biyaha meesha ay ka jiraan kormeer badbaadiye.

Ugu hay badqab biyaha

  • Illaali carruurta yaryar. La joog carruurta markii ay dabaalanayaan ama ku ciyaarayaan biyaha.
  • Ha u gelin biyaha si moolka ah badelkii sinta kuu joogaan haddii aadan u dabaalan karin si ku haboon.
  • Marnaba kaligaa ha dabaalan Xittaa haddii aad si wanaagsan u dabaalan kartid, dhibaato ayaad geli kartaa.


Ku dabaalashada baliga ayaa halis noqon karto

  • Hoosta ayaan inta badan sineyn, mararka qaar biyaha ayaa usii qoto dheeraado si aan la fileynin
  • Biyaha qabow ayaa sababi karo qabasho
  • Iska illaali sheeyada afeysan ee biyaha ku jiro
  • Marnaba ha isku tuurin biyaha moolka ama biyaha leh muuqaalka yar

Ku dabaalashada badda ayaa noqon karto halis

  • Hirka xoogan ayaa si lama filaan ah kugu qaadi karo
  • Marwalba joog inta u dhaxeyso balooniyada jaallaha ah
  • Ka fogow xadeynta biyaha ee badda 

Ka taxadar midibka calanka

Warbixinta sawirka 'badqabka biyaha'
  • Calanka cagaaran: waad dabaalan kartaa
  • Calanka jaalaha: waad dabaalan kartaa, laakin sabeynta iyo sheeyada aan aariyo bixi karin ayaanan laga ogoleyn biyaha
  • Calamada gaduudan: lama ogola dabaasha 

Baro dabaasha

Barkad walboo dabaasha ah ee ku jirto casharada dabaasha Belgium ayaa loo diyaariyaa carruurta ka hooseyso 12. Canugaaga ayaa sidoo kale ku baranayo dabaasha dhinaca dugsiga. Casharo taxana ah kadib iyo haddii canugaaga u dabaalan karo si ku fillan, canugaaga ayaa helo dibloomada dabaasha. 
Carruurta ka weyn 12 iyo dadka weyn ayaa sidoo kale ku baran karo dabaasha barkada dabaasha. 

Baro dabaasha