Ka qaybgalka waxqabadyada

Magangelyo-doonka way ka qaybgeli karaan waxqabadyada, gudaha iyo dibedda xarunta qaabilaada labaduba.

Fasalada af Hollandka gudaha xarunta qaabilaada

Waxqabadyada/Hawlaha

Xaruntaada qaabilaada ayaa ku siin karta macluumaad ku saabsan waxqabadyada lagu qabanqaabiyo gudaha iyo agagaarka xarunta. Safarro dhaqameed ayaa badanaa la qabanqaabiyaa. Wixii waxqabadyada carruurta ah waxaa la qabanqaabiyaa (galbaha Arbacada, asbuuc-yaaqada). Waxqabadyada waxaa sidoo kale la qorsheeyaa maalmaha khaaska ah (fasaxa qaran ee Biljimka, ciidaha diimeed qaarkood, iwm.).

Xaruntaada qaabilaada ayaa qabanqaabisa waxqabadyada gudaha iyo dibedda dhismaha. Waxaa jira waxqabadyo loogu talagalay dadka waaweyn (ragga iyo dumarka) iyo carruurta marka aysan dugsiga joogin.

Isboortiga

Xarumaha qaabilaada inta badan waxay leeyiin qol isboorti oo yar. Waxaad sidoo kale ku biiri kartaa naadi isboorti oo ku dhow xaruntaada soo dhaweynta (kubbada cagta waa isboortiga ugu caansan gudaha Biljimka). Goobtaada soo dhaweynta ayaa sidoo kale qabanqaabisa safarrada lagu aadayo barkadda dabaasha, ama lugeynta.

Internet-ka iyo akhriska

Waxaad isticmaali kartaa aag kombuyuutar ama Wi-Fi. Waxaa sidoo kale ku yaala maktabado badan gudaha Biljimka. Gudaha xarumaha qaabilaada, waxaad ka heli kartaa buugaag ku qoran luuqaddo kala duwan.

La kulanka deriska

Xarumaha qaabilaada waxay qabanqaabiyaan waxqabadyo ay deriskooda ku martiqaadaan. Waxaa jira waxqabadyo badan oo kala duwan: maalmaha fikrad is-weydaarsiga, xafladaha xaafadaha, kulannada isboortiga, iwm. Kuwaani waa munaasabadaha lagula kulmo deriska xarunta.

Fiidiyowga 'kaqeybgalka waxqabadyada'. Guji dusha "cc" si aad u badashid luqadda dhigaal-hoosaadyada