Tallaalada waxay ka hortagaan cudurka

Ka ilaali naftaada iyo caruurtaada cudurada halista ah (dabaysha, teetanada, jadeeco) oo is tallaal. Tallaallada ugu muhiimsan waa bilaash gudaha Biljimka. Carruurtu waxay tallaalka ka helaan dugsiga ama rugta caafimaadka.

Muxuu tallaalku sameeyaa?

Tallaalka waa la isku duraa waxuuna ka kooban yahay qadaro yar oo bakteeriya ama fayras ah. Qadaradan waxaa loo arkaa inaysan keenayn waxyeello. Sidaas awgeed mar dambe kuma jiran kartid. Jidhkaaga wuxuu u aqoonsadaa bakteeriyadan iyo fayrusyadan wuxuuna soo saaraa unugyada difaaca jirka.

Qaadashada tallaalka

Haddii aad taabato qof qaba fayraska ama cudurka, jirkaaga si degdeg ah ayuu kuu difaaci doonaa oo ma jiran doontid.