Raacida tareenka, taraamka ama baska

Gudaha Biljimka, si fudud ayaad ugu safri kartaa tareenka, taraamka ama baska. Mar walba iibso tikid ka hor intaanad raacin.

Sidee ayaad ku garanaysaa tareenka, taraamka ama baska aad raacayso?

  • Masaafooyinka dheer, ama inta u dhaxeeyso magaalooyinka: raac tareenka
  • Masaafooyinka gaaban: raac baska
  • Gudaha Brussels: raac tareenka dhulka hoos mara, taraamka ama baska

Hubso inaad haysato tikid sax ah ka hor raacida. Ganaaxyada safrida tikid la'aan way sareeyaan gudaha Biljimka (ilaa €500). 

Gadashada tigidka tareenka

Halkee ka iibsan kartaa tikid?

Waxaad tikid ka iibsan kartaa

  • mashiinada tikidka otamatiga ah
  •  xafiiska tikidka ee ku yala boostajooyinka
  • iyo la marinayo websaydka

Baska ama taraamka, waxaad sidoo kale ku bixin kartaa lacagta contactless.

Waa inaad ansixisaa tigidhkaaga! Miyaad ku safraysaa taraam, bas ama tareenka dhulka hoostiisa maro? Jeedaali tikidhkaaga wakhti kasta aad gasho tareenka dhulka hoostiisa maro, taraamka, baska ama xarunta tareenka.

Waxaa jirta fursad ah in lagaa hubinayo.

Haddii aad joogto xarunta qaabilaadda

Haddii aad tahay magangalyo-doon deggan xarun qaabilaad, waxaad ka codsan kartaa tigid bilaash ah shaqaalahaaga bulshada siyaabahan soo socda awgood:

  • Waxaa lagaaga baahanyahay inaad aado ballanta codsigaaga magangelyo (wareysiga)
  • Haddii aad raadinayso goob aad joogto
  • Haddii aad qaadanayso koorso tababar
  • Haddii aad qabsatay ballan caafimaad

Kaarka safarka ee baska

Haddii aad ku nooshahay Flanders, shaqaalahaaga bulshada ayaa kuu soo-jeedin kara inaad ku iibsato kaarka safarka oo hal sano ah, qiimo yar. Kani waa qiimo aad u jaban marka loo eego iibsashada tikido badan. Gudaha Flanders, magangelyo-doon ahaan, waxaad ku helaysaa qiimo-dhimis kaarka safarka. Guadaha Wallonia, Magangelyo-doon ahaan, kuma helaysid wax qiimo-dhimis ah kaarka safarka.

Xisaabi safarkaaga

Waxaa jiro barnaamijyo kala gedisan oo lagu xisaabiyo safarkaaga. Waxay sidoo kale ku tusayaan baska, taraamka ama tareenka aad raacayso.