Aad raadinayso qoyskaaga

Laanqayrta Cas ayaa kaa caawinaysa raadinta xubnaha qoyskaaga Laanqayrta Cad waxay iskaashi la sameeysaa hay'adaha kale Laaqayrta Cas iyo Bisha Cas ku sugan dunida oo dhan, oo ku leh wakiilo gaar ah goobaha colaadeed.

Adeegyada 'Dib-u-soo-celinta Xiriirada Qoyska' ee Laanqeyrta Cas waxay kaa caawiyaan inaad hesho qoyskaaga ka dib socdaalka, dagaalada hubeysan, musiibooyinka dabiiciga ah ama musiibooyinka bini'aadanimo. Adeeggu waa bilaash.

Dib-u-soo-celinta xiriirada qoyska ayaa kaa caawinaya:

  • raadinta xubnaha qoyskaaga ee maqan
  • dib ula xiriirida xubnaha qoyskaaga

La xiriirida xubnaha qoyska ku sugan goobaha colaadeed

Goobaha colaadeed ama musiibooyinka, khadadaka warisgaarsiinta sida telefoonka, boostada iyo Internet-ka inta badan ma shaqeynayaan. Iyadoo loo marayo fariimahaLaanqayrta Cas, Laanqayrta ayaa kaa caawinayso inaad dib ula xiriirtid goobaha ay saameeyeen iyo aagga ay saameeyeen iyo dunida kale ka baxsan: