Habraaca degganaanshaha gaarka ah ee ilmaha yar ee aan la wehlin

Marka lagu daro nidaamka magangalyo, waxaa jira habraac degenaansho khaas ah oo loogu talagalay ilmaha yar ee aan la wehlin. La tasho mas'uulkaaga hadduu habraacani yahay fursad kuu diican adiga

Waa maxay habraaca degenaashaha ee khaaska ah?

  • Mas'uulkaaga ayaa soo gudbiya codsiga habraaca degenaanshaha khaaska ah. Mas'uulka ayaa ku weydiin doona su'aalo ku saabsan wadankaaga asalka ah, xubnaha qoyskaaga iyo dukumentiyadaada aqoonsiga. Isku day inaad uga jawaabto sida ugu macquulsan.
  • Xafiiska Socdaalka ayaa kugu casumi doona, adigoo ku wehliyo mas'uulkaaga, wareysi ka dhacayo Biljimka. Mararka qaarkood Xafiiska Socdaalka wuxuu sidoo kale casumi doonaa saaxiib ama qof aad taqaanid kaasoo sharrixi kara wax badan oo ku saabsan xaaladdaada Belgium.
  • Inta lagu jiro wareysiga waxaad uga hadli kartaa si xor ah xaaladaada iyo rabitaankaaga mustaqbalka. Mas'uulkaaga iyo turjumaan ayaa xaadir ku ah goobta wareysiga. Qareenkaaga sidoo kale wuu joogi karaa.

Go'aanka habraaca degenaashaha ee khaaska ah

Ka dib wareysiga, waxaan u raadin doonaa xal waara xaaladdaada. Waxaad haysataa saddex fursadood.

  • Dib ugu la midoobida waalidiintaada wadanka ay ku sugan yihiin
  • Dib ugu noqoshada wadankaaga asalka ah ama wadan saddexaad kaasoo aad ku noolaan kartid. Xafiiska Socdaalka wuxuu soo saari doonaa amar aad ku noqoto.
  • Degenaanshaha sharciga ah ee Biljimka

Degenaanshaha Biljimka

Haddii laguu oggolaado inaad jooto Biljimka ka dib habraacaaga, waxaad heli doontaa ruqsad degenaansho oo 1 sano ah. Waqtigaas waa inaad nolol ku sameysataa gudaha Biljimka: dugsi dhigo, baro luuqadda, saaxiibo yeelo, iwm.

Hal bil ka hor inta aysan dhicin ruqsadaada, mas'uulkaaga ayaa soo gudbin doona codsi cusub iyo warbixin ku saabsan noloshaada Biljimka (xaaladda qoyskaaga, dugsigaaga, xirfadahaaga luqadeed).

3 sano ka dib waxaad heli kartaa (joogto ah) ruqsada degenaanshaha ee Biljimka.

Ma u baahan tahay macluumaad ama caawimaad dheeraad ah?

Shabakada Xafiiska Socdaalka, mas'uulkaaga ayaa ka raadin doona macluumaad ku saabsan habraaca degenaanshaha khaaska ah.

La xiriir Xafiiska Socdaalka.