Helitaanka dhalashada Biljimka

Muwaadiniinta ajaanibta ah waxay kaliya codsan karaan dhalashada Biljimka ka dib 5 sano marka ay u deganaadaan gudaha Biljimka. Waxaa jiro shuruudo badan oo loo baahan yahay in la buuxiyo.

Carruurta ay dhaleen waalidiinta Biljimka ah waxay si toos ah u helaan dhalashada Biljimka. Muwaadiniinta ajaanibta ah waxay codsan karaan dhalashada Biljimka marka ay buuxiyaan shuruudaha qaarkood.

 Goorma ayaad soo gudbin kartaa codsiga dhalashada Biljimka?

  • Marka aad si sharci ah ku degganeyd gudaha Biljimka ugu yaraan 5 sano
  • Marka aad leedahay xaq aad ku sii joogto wakhti aan go'nayn
  • Marka aad ka sameeysay isdhexgal gudaha Biljimka, tusaale ahaan marka aad haysato shahaadada isdhexgalka
  • Marka aad ku hadasho 1 ka mid ah 3 luqadood ee qaranka
  • Marka aad horay u soo shaqeysay ugu yaraan 468 maalin.

Shuruudaha kale ayaa lagu dabaqayaa muwaadiniinta ajaanibta ah qaarkood: carruurta yaryar, muwaadiniinta ajaanibta ah ay is qabaan muwaadiniin Biljim ah, waalidiinta carruurta yaryar ee Biljimka ah, dadka aan wadan lahayn, waayeelka ama dadka jirran. 

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah dowladda hoose.

Sidee ayaad u codsan kartaa dhalashada Biljimka?

  • Waxaad u baahan tahay inaad u gudbiso codsi degmada aad ka diiwaangashan tahay.
  • Sarkaalka dawladda hoose ayaa baari doona codsigaaga asagoo la tashanaya Xafiiska Socdaalka, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud iyo Waaxda Amniga Qaranka.
  • Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa go'aan ka gaaraya codsigaaga (4 bilood gudahood) wuxuuna wargalin doonaa sarkaalka dawladda hoose.
  • Haddii go'aanka diidmo yahay, waxaad rafcaan ka qaadan kartaa Maxkamadda Darajada Koowaad.