Dumarka iyo habraaca magangelyada

Biljimka waxay fiiro gaar ah siiyaan dumarka codsanaya magangelyada caalamiga ah. Inta aad ku jirto wareysiga CGVS/CGRA waxaa muhiim ah inaad ka hadasho dhibaatooyinka aad adiga, dumar ahaan, ka soo carartay.

Waxay noqon kartaa in, dumar ahaan, aad adiga ku soo martay dhibaatooyin dalkaaga hooyo, sida:

Waa lagama maarmaan ah inaad kala hadasho dhibaatooyinkaaga shaqaalahaaga bulshada ama qareenkaaga, iyo sarkaalka difaaca ee CGVS/CGRA kaasoo ku wareysan doona. CGVS/CGRA  waxay midaan tixgelin doonaa marka go'aanka la gaarayo.

Wareysiga ragga ama dumarka

Miyaad ku qabtaa dhib inaad u sheegto sheekadaada rag ama dumar? Weydiiso CGVS/CGRA sarkaalka difaaca iyo turjumaanrag ama dumar ah. CGVS/CGRA waxay isku dayi doonaan inay si waxtar leh uga jawaabaan codsigaaga. Weydiiso shaqaalahaaga bulshada inuu ku caawiyo.