Biljimka wuxuu leeyahay boqor

Biljimka waa boqortooyo madax uu ka yahay boqor. Boqorka wuxuu leeyahay awood siyaasadeed oo xaddidan, balse waa calaamad adag dalku leeyahay.

Awood siyaasadeed xaddidan

Gudaha Biljimka, boqorka wuxuu ku leeyahay awood siyaasadeed xaddidan. Wuxuu calaamad u yahay dalka. Maadaama Biljimku yahay dal dimoqraadi ah, awoodda siyaasadeed waxay u sugnaatay Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha. Waxaa doorto dadweynaha. Boqorka wuxuu la-taliyaa hoggaamiyeyaasha siyaasada wuxuuna saxiixaa dhammaan xeerarka. Tani waa waajib sida laga soo xigtay Dastuurka, kaas oo ah sharciga ugu muhiimsan dadka Biljimka.

La-wareegyada

Boqorka jira, Boqor Philippe, wuxuu soo galay kursiga ka dib aabihiis. Noqoshada boqor waa dhaxaltooyo, kaliya carruurta boqorka jira ayaa noqon kara boqor. Haddii boqorku lahayn wax carruur ah, walaalkiis ama walaashiis ayaa noqonaya boqor ama boqorad.

Qoska boqortooyadeena

Boqor Philippe wuxuu kula noolyahay Brussels Xaaskiisa Boqorad Mathilde iyo afartooda carruur. Gabadhooda ugu weyn, amiirad Elisabeth, ayaa maalin noqon doonta Boqorada Biljimka.

Qoska boqortooyada
© Koninklijk Paleis/Palais Royal/Königlicher Palast/Qasriga Boqortooyada - Sawirqaadaha: Michel Gronemberger