Biljimka wuxuu leeyahay 10 gobol

Biljimka wuxuu ka kooban yahay 10 gobal. Gobol kasta wuxuu leeyahay caasimad. Brussels waa caasimada. 

Muxuu gobolku sameeyaa?

Haddii ay jirto musiibo, sida daadad ama dab weyn, gobolka ayaa gaaraa go'aanada ku habboon degmooyinka ku yaala gobolka. Gobolka ayaa sidoo kale mas'uul ka ah kaymaha, webiyada iyo seeraha dabiiciga ah ee ku yaala gobolka. Madaxa gobolka waa guddoomiyaha gobolka.

Haddii qof ku waydiiyo meesha aad ku nooshahay, marka hore waxaad sheegtaa gobolka ka dib nadegmada ama magaalada. 

Waxaa jira degmooyin iyo magaalooyin kala duwan oo ku yaala Biljimka, balse qof kasta oo Biljim ah wuu garanayaa 10-ka gobol.