Habraaca Dublin ee ilmaha yar aan la wehlin

Haddii aad tahay ilmo yar aan la wehlin oo ajnebi ah, sharciyadda waddanka ka tirsan Yurub ee mas'uulka ka ah codsigaaga (Qaanuunka Dublin) way ka duwan yihiin kuwa waddamada kale.

Haddii aad tahay ilmo yar oo aan la wehlin,  Xafiiska Socdaalka ayaa qiimeyn doona inaad leedahay xubno qoys ama qaraabo si sharci ah u deggan waddan kale oo ka tirsan Yurub iyo in kale.

Haddii arrinta sidaan tahay, xaaladaada si faahfaahsan ayaa loo falanqeyn. Xafiiska Socdaalka wuxuu ka codsan karaa waddankan inuu wax ka qabto codsigaaga magangelyada. Haddii waddanka mas'uulka ka ah waafaqo, Xafiiska Socdaalka ayaa qabanqaabin doona safarka aad ku tagayso waddankan.