Ma ku noolid xarunta qaailaada waxaadna u baahan tahay gargaar caafimaad

Haddii, magangelyo-doon ahaan, aad u degnayn xarunta qaabilaada, weli waxaad heli kartaa gargaar caafimaad.

booqo dhakhtar

Waa maxay gargaar caafimaad?

 

  • Booqashada dhakhtarka guud (GP) haddii aad weli jiran tahay
  • Booqashada dhakhtarka ilkaha haddii aad qabto ilko xanuun
  • Baaritaan caafimaad oo ku yimid codsiga dhakhtarka (altarasond, raajo, jeedaalin)
  • Mararka qaarkood qalliin ama baxnaanin (tus. terabiga jirka)
  • Daawooyinka dhakhtarka qoray (farmashiistaha)
  • Booqashooyinka kale ee caafimadka 

Waxaa marka koowaad lagaaga baahan yahay inaad codsi u soo gudbiso Qaybta Kharashka Caafimaadka ee Fedasil ka hor inta aad raadsan gargaar caafimaad. 

Sidee u weydiisanaysa gargaar caafimaad?

Dhowr maalmood kahor booqashadaada dhakhtarka, isbitaalka ama farmashiistaha, adiga (ama dhakhtarkaaga) waa inaad u gudbisaan codsi Qaybta Kharashaadka Caafimaadka ee Fedasil

Fedasil waxay qiimeyn doontaa inay bixin doonaan kharashka.

Fedasil ayaa oggolaata inay bixiso kharashka gargaarka caafimaadka waxayna ogeysiisaa dhakhtarka, isbitaalka ama farmashiistaha.

Markaa ka dib waxaad u tagi doontaa dhakhtarka, isbitaalka ama farmashiistaha.

Fedasil ayaa bixinayo qarashaadka caafimaadka.

Ma ku heshay guriga qaansheegashada caafimaadka inta ay masuulka ka aheyd Fedasil?

 

Haddii aad heshay qaansheegashada caafimaadka (oo ay ku xusuusiyaasha ama warqaddaha ay soo direen garyaqaanada) guriga, waa inaad ku dirtaa warqaddahaan cinwaanka Fedasil sida ugu dhaqsiyaha badan:

          Medical Costs Unit 

          Kartuizersstraat 21

          1000 Brussels

  •  waxaa ka mid ah dalbasho ay la socoto qaansheegasho. 
  • Haddii ballanta dhakhtar ka loo sameeyey si degdeg ah surtagalka ma aheyn in horey loo sii codsado, fadlan ku dar lambarkaaga qaranka ama lambarka OV/SP. Haddii aad hesho lambarka qaranke ama lambarka OV/SP oo ku jiraan (lifaaqyada 26) dukumentiyada aad ka heshay Xafiiska Socdaalka.  

Fedasil ayaa baari doonaa haddii kharashka in kharashka la bixinayo iyo in kale.

Ma rabtaa in dib lagugu soo celiyo lacagta maxaa yeelay kharashaadka ayaa si toos u bixisay?


Wixii ah codsashada lacag u soo celinta kharashaadka caafimaadka, Fedasil waa inay heysaa dukumentiyada soo socda: 

  • Qaansheegashada Orijinaalka ama koobiga ah
  • Cadeynta lacagta bixinta qaansheegashada
  • Koobiga kaarka banigiga Haddii kaarka banigiga uusan ku qornayn magaca bukaanka, warqadd ka socota codsadaha oo oggolaanaysa lacag u celinta lambarka akoontada ee la cadeyey waa inay ku lifaaqan tahay.
  • Dalbashada ama faafaahinadaada gaarka ah ee (lambarka qaranka ama lambarka OV/SP haddii ballanta degdega ah ma aysan aheyn surtagal in si degdeg ah loo soo gudbiyo codsiga).
  • Ugu dir dukumentiyadan Fedasil ciwaanka soo socda: 

          Medical Costs Unit

          Kartuizersstraat 21

         1000 Brussels

Fedasil ayaa baari doonaa haddii kharashka la bixin doono iyo haddii kale.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan gargaar caafimaad?

Qaybta Kharashka Caafimaadka ee Fedasil

Waxaa laga helaya telefoonka Isniin ilaa Jimcaha, 9 subaxnimo ilaa 12 duhurnimo.
02/213 43 00 (NL)
02/213 43 25 (FR)
E-mail: medic@fedasil.be
Ciwaan: Kartuizersstraat 21, 1000 Brussels

Su'aal ku saabsan xaaladda Biljimka?
Bilowga Fedasil Info Point waxaad u imaan kartaa inaad weydiiso wax ku saabsan arrimaha sharciga, nidaamkaaga mangalyadda, shaqada, waxbarashada iyo tababarka, nidaamyadda maamulka, caawintasoo noqoshada, caafimaadka iyo kaalmada wareemka iyo qalabka taageerada.

Ma weydiin kartid goobta soo dhawaynta, tani waa inaad iska diiwaangelisa liiska sugitaanka soo dhawaynta.


Fedasil Info Point

The Fedasil Info Point waxay furan tahay Isniinta ilaa Jimcaha, laga bilaabo 9 am ilaa 1 pm.


Rue Héger-Bordet 3, 1000 Brussels

T: 0800 32 746  (laga bilaabo 1 duhurnimo ilaa 4 galabnimo)

Ma u baahan tahay caawimaad degdeg ah, ama ma ku sugan tahay halis? Wac lambarka xaaladaha degdegga ah 101 ama 112.